Eden Hazard oo sheegay waxa uu sameyn doono siyuu u noqdo Laacibka Adduunka, kaddib jabkii ku dhacay Messi & Ronaldo!!

0
Monday July 02, 2018 - 12:22:17 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eden Hazard oo sheegay waxa uu sameyn doono siyuu u noqdo Laacibka Adduunka, kaddib jabkii ku dhacay Messi & Ronaldo!!

    Isniin-Belguim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-Belguim


Hogaamiyaha xulka qaranka Belguim iyo kooxda Chelsea ee Eden Hazard si cad u sheegay qorshihiisa uu xiddigaha Lionel Messi & Cristiano Ronaldo ugala wareegayo booskooda adduunka kubada cagta kadib markii ay labada xiddig ka hareen koobka adduunka.

Hazard ayaa hogaamin doona xulka Belguim kulanka ay maanta la ciyaari doonaan Japan wareega 16-ka waaxana uu doonayaa in uu xulkiisa ku hogaamiyo wareega xiga.

Hadaba markii Hazard la waydiiyay in uu awoodiisa soo bandhigi doono kadib markii ay Ronaldo iyo Messi soo bexeen Hazard ayaa si cad u sheegay jawaabtiisa.

"Haa Waan Rajaynayaa sidaas, haatan kuma jiraan koobka adduunka waa wakhtigii loo baahnaa in qaab fiican la soo bandhigo, waxa aan doonayaa in aan gaaro 8 dhamaadka, Semi-final ilaa finalka”ayuu yiri.

"Haatan waxa aan ahay xiddiga kaliya ee haray, Messi iyo Ronaldo way bexeen, laakiin waxa wali jira xiddigo fiican oo ka qayb qaadanaya koobka adduunka, waynu eegi doonaa waxa dhaca”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip