Maxuu Tababare Klopp Ka yiri Heshiiska Cusub ee Mohamed Salah?

0
Monday July 02, 2018 - 13:44:32 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 88
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxuu Tababare Klopp Ka yiri Heshiiska Cusub ee Mohamed Salah?

    Isniin-Liverpool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-Liverpool


Maamulaha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa aaminsan in go,aanka uu mohamed salah heshiis wakhti dheer ah ugu saxiixay kooxda Liverpool in ay muujinayso jihada ay u socoto kooxda Liverpool.

Xiddiga reer Egypt ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Liverpool isaga oo warqada iyo qalinka is dul dhigay sanad kadib markii uu ku soo biiray kooxda.

Salah ayaa kor u qaaday qaab ciyaareedkiisa muddo 12 sano ah gudohood isaga oo dhaliyay 44 gool 52 kulan oo uu kooxda u saftay kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Kadib markii uu saaka ku soo laabtay Garoonka Tababarka ee Melwood si uu u bilaabo tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub Klopp ayaa sharaxay sababta uu heshiiska Mohamed salah qiimo u leeyahay.

Tababaraha ayaa yiri” waxan u malaynayaa in warka laga arki karo waxa uu yahay, in qof lagu abaal mariyay qaab ciyaareedkiisa iyo saamayntii weynayd ee uu ku yeeshay kooxda xilli ciyaareedkii hore”.

"Waxa ay si cad u muujinaysaa laba arimood waana rumaynta uu Rumeeyay kooxda Liverpool iyo mid ay Liverpool rumaysay”.

"Waxa aan doonaynaa in ay xiddigaha tayada leh ee adduunku Guri ka dhigan karaan Anfield, meel ay ku gaari karaan riyadooda xirfadnimo waxana aan aad ugu shaqaynayaan in aan midaas wada jir ku gaarno”.

"Marka uu qof mohamed salah oo kale ah mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxdan waxa ay muujinaysaa in ay tahay gurigiisii si weyna u muujinayo”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip