XUSUUS: Xulka Belguim oo gaaray Rikoor TaariiKhi ah oo 48-sano Koobka Adduunka la gaari waayay!!

0
Tuesday July 03, 2018 - 11:41:40 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XUSUUS: Xulka Belguim oo gaaray Rikoor TaariiKhi ah oo 48-sano Koobka Adduunka la gaari waayay!!

    Talaado-Taariikh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Taariikh


Xulka qaranka Belguim ayaa guul soo laabasho leh ka gaaray xulka qaranka Japan kulan qaybtii dambe xiiso yeeshay oo la kala dhaliyay 5 gool.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Jan Vertonghen,Marouane Fellaini Iyo Nacer Chadli ayaa Belguim ka caawiyay in ay guul soo laabasho leh ka gaarto Japan.

Kadib guushan xulka Belguim ayaa boodhka ka jaftay rikoodh taariikhi ah oo laga dhigay koobka adduunka 48 sano ka hor oo aanay cid kale u dhawaan.

Belguim ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee ka soo laabta laba gool oo looga hor maray wareega Bug Baxa tan ilaa 1970 markaas uu uu xulka West Germany sameeyay sidaas iyaga oo guul gaaray inkasta oo uu xulka England laba gool kaga hor maray.

Taas ayaa la macno ah in uu xulka Belguim jabiyay rikoodhkaas diiday xulal badan muddo 48 sano ah waliba noqday xulkii ugu horeeyay ee guul soo laabasho leh ka gaaray wareega Bug baxa koobka adduunka inkasta oo laba gool looga horeeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip