Warbixin: Xulalka Yurub oo Laf dhuungashay ku noqday Duqowda Brazil, Ogow Sanadaha Xiriirka ah ee Koobka Adduunka ka Reebeen!!

0
Saturday July 07, 2018 - 00:57:13 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Xulalka Yurub oo Laf dhuungashay ku noqday Duqowda Brazil, Ogow Sanadaha Xiriirka ah ee Koobka Adduunka ka Reebeen!!

    Sabti-Brazil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti-Brazil


Dalka Brazil ayaa ka haray koobka adduunka Russia 2018 kadib markii ay guuldaro 2-1 ah kala kulmeen xulka qaranka Belguim kulan ka tirsanaa wareega 8 dhamaadka tartanka koobka adduunka Russia 2018 kana dhacay garoonka Kazan Arena.

Goolasha kulanka ayay dhaliyeen xiddigaha Fernandinho oo si khalad ah uga dhaliyay xulkiisa, Kevin De Bruyne iyo Renato Augusto kaas oo dhaliyay goolka xulka Brazil.

Guuldarada soo gaartay ayaa la macno ah in xulka Brazil uu ka haray koobka adduunka Russia 2018 iyaga oo boorsooyinkooda ka qaadan Doona Russia.

Xulalka ka soo jeeda qaarada yurub ayaa masiibo ku noqday xulka qaranka Brazil iyaga oo koobka adduunka markii 4-aad oo xiriir ah ka reebay tartanka.

Xulka Qaranka Brazil ayay tartanka koobka adduunka ka reebeen xulal yurub ah mid kasta oo ka mid ah 4-tii koob adduun ee ugu dambeeyay.

Xulalka Brazil ka reebay tartanka koobkaa dduunka 4-tii sano ee ugu dambaysay ayaa kala ah (France 2006, Netherlands 2010, Germany 2014 & Belgium 2018).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip