Sawirro: Degmada Wadajir oo iska xaadirisay semi finaalka taranka kubadda Kolayga degmooyinka Gobolka Banaadir

0
Saturday July 07, 2018 - 10:49:27 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Degmada Wadajir oo iska xaadirisay semi finaalka taranka kubadda Kolayga degmooyinka Gobolka Banaadir

    Sabti- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Muqdisho



Degmada Wadajir ayaa usoo gudubtay afar-dhamaadka tartan kubadda kolayga degmooyinka Gobolka Banaadir.


Howl-wadaag ayaa 9-8 hogaanka ku qabatya 10-ki daqiiqo e ugu horeeyay ee ciyaarta waxayna labada koox soo bandhigeen ciyaar isu dheeli tiran oo ay aad ula dhaceen dadwaynihii usoo daawasho tagay.


Wadajir ayaa10-ka labaad la wareegtay maamulka ciyaarta waxayna dhaliyeen 11 dhibcood halka Howl-wadaag la timid 6 dhibcood oo qura waxaana qaybta hore lagu kala nastay 19 -15.



Labada koox ayaa qaybta saddexaad ciyaar qaab ciyaareedka loo yaqaan ( Man to Man) taasoosababtay in ay dhibco badan shaba ku hubsan waayaan, waxayna la yimaadeen Wadajir 3 Howl-wadaag6 waxayna wadarta guud ka dhigtay 22-21.


10-ka afaraad oo ah qaybta u dambaysay ciyaarta ayay wadajir jaanta isla heshay waxaana garoonkaay Howl-wadaag ka noqotay marqaati waxaana goolal cajiib ah kolayga ugu riday Xiddigaha No6 iyo 7 Cabdifitaax Muxudiin iyo Cabdalla Xasan Muuse kuwaa wadarta guud dhaluyay 24 dhibcood.


Ciyaarta ayaa ugu dambayn kusoo idlaatay 38- 30oo ay guusha ku raacday Degmada wadajir oo sidaa ku noqotay degmadi u horaysay ee nus-dhamaadka gaarta.


Laacibka kulanka waxaa loo aqoonsaday Xiddiga No-6 Cabdalla Xasan Muuse kaasoo kooxdiisa u dhaliyay 14 dhibcood.


 dhanka kale waxaa maanta garoonka Wiish  ku ballansan degmooyinka Shibis iyo Heliwaa  oo ciyaari doona kulanka labad ee wareega siddeeda tartanka kubadda Kolayga degmooyinka Gobolka Banaadir.


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip