Barcelona Oo Dhamaystirtay Saxiixa Arthur.

0
Saturday July 07, 2018 - 11:02:08 in Wararka by
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Dhamaystirtay Saxiixa Arthur.

    Sabti-Suuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti-Suuqa


Kooxda Barcelona ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga xiddiga khadka dhexe ee reer Brzil ee Arthur taas oo ay kooxdu ku dhawaaqi doonto saacadaha soo socda sida uu xiddiga laftiisu xaqiijiyay intii uu ku guda jiray shir saxafi oo maanta ah.

 

Ilo wareedyo ku dhaw xiddiga reer Brazil ayaa sheegaya in Arthur uu u soo safri doono Magaalada Barcelona laba maalmood ee soo socda si uu ugu biiro kooxda kadib markii uu soo macasalaameeyay saaxiibadiisa Gremio.

 

Waxa la filayaa in uu Arthur noqdo saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Barcelona ee xagaaganka hor inta aanu bilaaban xilli ciyaareedka dambe.

 

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga ka bixin doonta lacag dhan 30 milyan oo euro iyo lacago guno ah maadama la filayay in uu heshiiskan dhamaystirmo suuqa Janaury ee soo socda.

 

Xiddiga reer Brazil Arthur Arthur ayaa la sheegayaa in ay saxaafada u soo bandhigi doonto kooxdu maalinta Isniinta isaga oo noqon doona xiddig Barcelona ah.

 

Arthur ayaa u mahad celiyay taageerayaasha, Kooxda iyo xiddigaha kooxda Gremio ka hor inta uuna xaqiijin in uu ku biiri doono kooxda Barcelona.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip