PSG oo si rasmi ah ula wareegtay Goolhaye Buffon.

0
Saturday July 07, 2018 - 12:38:17 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PSG oo si rasmi ah ula wareegtay Goolhaye Buffon.

    Sabt-Suuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabt-Suuqa


Kooxda Paris Saint-Germain ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa Goolhayaha khabiirka ah ee Gianluigi Buffon kaas oo ay kula soo wareegeen heshiiska xorta ah kadib markii uu ka tagay kooxda Juventus oo uu joogay muddo 17 sano ah.

 

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa website-keeda ku xaqiijisay in uu Buffon qalinka ku duugay heshiis hal sano ah isaga oo sidoo kale hal sano oo kale dookh u haysta.

 

Khabiirka reer Italy ayaa ku biiray kooxda caasimada France kadib markii uu 17 sano ku sugnaa Juventus halkaas uu uu u ciyaaray 655 kulan kuna guulaystay 9 koob oo horyaalka Serie A-da ah sidoo kale gaaray laba finalk oo champions League ah.

 

Xiddigan ayaa sidoo kale xulka qarankiisa u saftay 176 oo kulan isaga oo ah xiddiga ugu safashada badan xulka qarankiisa kuna hogaamiyay ku guulaysiga koobka adduunka 2006.

 

Buffon oo noqday 40 jir bishii January ayaa la filayaa in uu noqdo goolhayaha 1-aad ee kooxda xilli ciyaareedka dambe isaga oo ka horayn doona Alphonse Areola & Kevin Trapp.

 

Goolhaye Buffon ayaa taageerayaasha PSG si Rasmi ah loogu soo bandhigi doonaa Isniinta isaga oo qaban doona shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay isaga oo xiddiga Juventus ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip