Manchester United oo Barcelona ku Garaaceysa, saxiixa Laacib ka mid ah kuwa ugu Guuldarrada Neceb Kubadda Cagta, kana Ciyaara koox weyn oo Premier league ah, waa kuma, Booskiisuna waa halkee???

0
Sunday July 08, 2018 - 21:09:59 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 2357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Manchester United oo Barcelona ku Garaaceysa, saxiixa Laacib ka mid ah kuwa ugu Guuldarrada Neceb Kubadda Cagta, kana Ciyaara koox weyn oo Premier league ah, waa kuma, Booskiisuna waa halkee???

    Axad--Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad--Manchester


Manchester United ayaa waxay dooneysaa in ay Toddobaadkan ku guuleysato Saxiixa laacibka Dalka Brazil ee Willian kaasoo ay kala soo saxiixan doonto Chelsea, keddib markii xulkiisu ay ka dhaceen Koobka Dunida, sida ay warar sheegayaan.


Willian waxaa diiwaanka ku qoratay kooxda ku ciyaarta Old Trafford oo bilihii lasoo dhaafay xiisaheeda soo bandhigeysay, balse dhowaanahan wuxuu diiradda saarayay Shaqada xulkiisa Qaranka ee Brazil ay ka hayeen Koobka Dunida.



Brazil ayaa laga saaray Koobka Dunida, markii 2-1 khasaare ah ay kala kulmeen xulka Belgium wareegga 8-da xul ee Koobkaas Willian ayaana hadda diyaar u ah in uu ka hadlo Mustaqbalkiisa kooxeed iyo halka uu Cagaha dhigan doono.


Willian ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu Khasaaraha Neceb kubadda cagta, waxaana ku loollamaya kooxaha Man Utd iyo Barcelona oo Spain iyo England ka kala dhisan, damaca kooxdiisa Blues oo dooneysa in uu sii joogana meesha kama marna.


Haddaba Man Utd ayaa ah kooxda ugu dhow Saxiixa laacibkan lagu qiimeeyo 45milyan oo Gani, in kastoo Chelsea ay qaadan karto Go’aan ay ugu direyso Horyaal aan aheyn kan England, haddiiba uu iyaga ka tegayo Laacibkani.


Man Utd waxay ku dhawaaqi doontaa Saxiixa Laacibkan toddobaadka hadda socda, haddii aysan taasi dhicinna waxay sheegi doontaa in ay ku Hungowday oo aysan heli karin, The Sun ayaa sidaas wariyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip