Laacibkii 4-aad oo Tijaabada Caafimaadka u Maraya Arsenal, tan iyo Imaatinka Unai Emery, waa laacib ceynkee ah??

0
Sunday July 08, 2018 - 21:26:08 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laacibkii 4-aad oo Tijaabada Caafimaadka u Maraya Arsenal, tan iyo Imaatinka Unai Emery, waa laacib ceynkee ah??

    Axad--London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad--London


Arsenal waxay usii dhowaaneysaa in ay £7milyan kula soo saxiixato laacibka da’yarka ah ee Matteo Guendouzi, sida ay sheegayaan Wararka laga helayo Dalka Faransiiska.


Naadiga Gunners ayaa waxay heshiis la gaartay laacibka ka tirsan kooxda horyaalka Ligue 2 ka dhisan ee Lorient u ciyaara Guendouzi, kaasoo noqon doona Saxiixii 4aad ee tababare Unai Emery.


Guendouzi weli waa kaliya 19-jir, wuxuuse kusoo Barbaaray Akadeemiyadda Paris Saint-Germain intii uusan ku wareegin kooxda Lorient Sanadkii 2014.



RMC Sport wuxuu Warinayaa in heshiiska laacibkan Guendouzi uu dhacay, isla markaana uu Magaalada London usoo Duulayo Caawa, kuna biirayo Isniinta kooxdaas oo uu Tijaabada Caafimaadka u marayo.


Saxiixa laacibkan ayaa lagu dhawaaqi doonaa isla Isniinta, in kastoo laga yaabo in heshiiska uu dhammeystirmo Toddobaadkan Dabayaaqadiisa.


Guendouzi ayaa horay heshiis ula gaaray Arsenal wuxuuna saxiixay 5-sano oo Qandaraas ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip