Fifa oo faa'iido wayn ku qabta guuldaradii Ruushka kasoo gaartay Croatia, afar dhacdo oo sabab u ah+Sawirro

0
Monday July 09, 2018 - 12:18:18 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fifa oo faa'iido wayn ku qabta guuldaradii Ruushka kasoo gaartay Croatia, afar dhacdo oo sabab u ah+Sawirro

    Xiriirka kubadda cagta Dunida ayaa la ogaaday inuu faa'iido wayn ku qabo in dalka Ruushka oo ah dalka martigelinay ku haro wareegga 8-da koobka adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka kubadda cagta Dunida ayaa la ogaaday inuu faa'iido wayn ku qabo in dalka Ruushka oo ah dalka martigelinay ku haro wareegga 8-da koobka adduunka.



Ma ahan war qoraal oo kasoo baxay FIFA, basle sida xalkeedu kujiro oola ogaaday in xal ugu jiro in Russia ka harto tartanka marka loo fiiriyo afar xaaladood oo jira.

Image result for Russia and England Fans clash


1: Taageerayaasha:


 

Labada dal markasta oo ay ku kulmaan dhacdo ciyaareed waxaa hareeya qalalaaso ka dhex dhaca taageerayaashooda waloow ay inta badan dhibaatadu ka timaado dhanka Ruushkamaadaama ay taagerayasha Ruushka kamid yihiin kuwa loo yaqaano ( Hooligans) oo ah dhallinyaro markasta ka qayb qaatada dagananaan la’aanta dhacdooyinka ciyaaraha, waxaana la xasuustaa waxii labada dal ku dhex dalka faransiiska ciyaarihii Euro 2016 kulan barbaro 1-1 ku soo dhamaaday kaasoo dhacay 11 June 2016.

Image result for cold war

 

2: Dagaalkii Qaboobaa:

Labada dal waxaa dhex yaala nacayb soo jireen ah kaasoo ka dhashay dagaalkii qaboobaa ee wadamada reer galbeedka ( Nato ) Ingiriisku qayb ka yahay ay la galeen Midowgii Sufiyeeti ( Warsow) ee Ruushaka hor kacayay kaasoo awiidiisa la wiiqay 1990-ki.

Image result for Sergei Skripal

3: Dilkii Sergei Skripal 

Bishii May ee Sanadkan waxaadalka Ingiriiska dil qorshaysan lagu qaarajiyay sarkaal sirdoon Ruush ah kaasoo lagu magacaabi jiray Sergei Skripal:

Dilkan ayaa sababay in uu xumaado xiriirka labada dal isla markaana uu ku fido wadamada Midowga yurub, waxuuna qilaafkaas sababay in Milkiilaha Chelsea Roman Abromvic loo diido dal kugalka UK.

Image result for Sep Plater Announcing FIFA world 2018 Host Nation

4: Loolanka doorashii Koobka adduunka 2018

Ingiriiska waxuu aad u doonayay inuu kadib 1966 marti marti koobka addduunka waxaana kaga guulaystay dalka Ruushka, waxayna taasii keentay in Ingiriisku u dhabo-galo sidiiFIFA loo dhaleeceyn lahaa ugu dambayna hunguri ka galo in Ruushka lagala noqdo marti gelinta koobka adduunka.

Afartaas dhacdo oo laysu geeyay ayaa sababi lahaa dhibaato ku timaada kulan labad dal ku dhex mara semi finaalka koobka aduunka iyo Ruushka oo ka dhiidhiya in dalkiisa lagu reebo waliba uu Ingiriis ku reebo waxayna FIFA ku keeni lahady cadaadis dhankasta , basle waxay ka badbaadeen dhammaan dhacdooyinkaas, waxaanatartanka isugu haray dalal aysan ka dhaxeyn cadowtooyo fog sida tan Ruushkaiyo Ingiriiska oo kale.

 

W/D Xuseen Maxamed Hadafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip