Luis Enrique Martinez oo loo magacaabay xilka macalinimo ee xulka Spain

0
Monday July 09, 2018 - 21:24:37 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Luis Enrique Martinez oo loo magacaabay xilka macalinimo ee xulka Spain

    Isniin- Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin- Madrid



 

tababarihii hore ee kooxda Barcelona oo shaqo la aan ahaa tan iyo sanadkii 2017 ayaa goor dhow loo magacaabay xilka macalimo ee xulka Spain isagoo badali doona Fernando Heirro oo dhawaan is casilay.


 

Kabtankii hore ee kooxda Real Madrid Fernando Hierro oo 50 jira ayaa iska casilay shaqada macalinimo ee xulka Spain kadib wejigabixii uu xulkaasi kala kulmay koobka dunida oo ay kusoo hareen wareegiisa 16-ka.



 

Xiriirka kubadda cagta ee dalka Spain oo kal hore shaqada ka eryay tababare Julen Lopetegui ayaa hada xaqiijiyey in Luis Enrique uu hogaamin doono xulka La Roja Spain.


 

Macalin Luis Enrique oo 48 jira ayaa saxiixay qandaraas laba sano ah wuxuun tartanka xilkan kaga guuleystay dhowr macalin oo ay kamid yihiin, Michel Conzales , Zinedine Zidane,Roberto Martinez, Xavi Hernandez Rafael Benitez , Arsène Wenger, Vicente del Bosque José María Hernández, known as Guti, iyo Laurent Blanc.


 

Enrique oo 9 koob kula guuleystay kooxda Barca ayaa hada laga rabaa inuu dib usoo celiyo awoodii ciyaareed ee xulka Spain oo sandkan weji gabax kala laabtay dalka Russia maadaama ay ku hareen wareega 16-ka ee koobkan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip