Xulka Croatia oo dhiiro-gelin ka helay Madaxwaynahooda, Maxaa loogu yaboohay haddii ay England ka libin helaan?

0
Monday July 09, 2018 - 21:28:42 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Croatia oo dhiiro-gelin ka helay Madaxwaynahooda, Maxaa loogu yaboohay haddii ay England ka libin helaan?

    Isniin- Croatia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin- Croatia

Madaxweynaha dalka Croatia haweeneyda lagu magacaabo Kolinda Grabar-Kitarovic ayaa xidigaha xulkeeda u ballan qaaday abaalmarino qiimo badan hadii ay ka adkaadaan dhigooda England oo ay gaaraan fiinalka koobka dunida.


Dalka Croatia oo ay ku noolyihiin in kabadan 4 milyan oo ruux ayaa hada jooga marxalada afar dhamaadka ee koobka dunida waxeyna 11-ka bishan oo habeynka arbacada ku began la ciyaari doonaan dhigooda England oo Quarter finalka koobkan kaga soo adkaaday Sweden.



Xidigaha Xulka Croatia oo taariiqda markoodii labaad soo garay heerka Seme finalka ee koobka dunida ayaa niyad dhis xoogan ka helaya madaxweynaha dalkooda oo aad ula dabaadagtaykulankii ay dhawaan ka adkaadeen dhigooda Russia.


Madaxweynaha dalka CroatiaKolinda Grabar-Kitarovic oo ku sugan dalka Russia ayaa daawatay dhamaan kulamadii ay xulkeedu ciyaareyn waxaana la arkayey iyadoo xiran maaliyada xulka Croatia oo aad u dabaal dageysa.


Waxaan rabaa inaan farxada la qeybsado dhamaan dadka reer Croatia waxaan leeyahay hambalyo maxaayeelay wiilasheenu waxey gaareen afar dhamaadka koobka dunida waana wax weyn ayeey tiri madaxweynaha Dalka Croatia Kolinda Grabar- oo intaa ku dartay iney rajeeneyso inuu xulkeedu gaaro Finaalka koobkan oo ay ka taqalusaan xulka England oo uu hogaamiyo Gareth Southgate.


 

Kolinda oo noqotay haweneydii ugu horeysay ee madaxweyne ka noqatay dalka Croatia ayaa ugu dambey sheegtay ineey abaalmarino qiimo badan heli doonaan xidigaha xulkeeda Croatia hadii ay ku guuleystaan koobka dunida oo aysan weligood xitaa Finalkiisa tiigsan tan iyo markii la bilaabay sanadkii 1930.

W/D: Xabiib Axmed Cali 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip