Laacibka ugu Qaalisan kooxda Man City oo yiri "Geeri ama Guul", Mahrez Afrikaankii Indhaha Guardiola u Ilmeeyeen!!!

0
Wednesday July 11, 2018 - 10:43:29 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laacibka ugu Qaalisan kooxda Man City oo yiri "Geeri ama Guul", Mahrez Afrikaankii Indhaha Guardiola u Ilmeeyeen!!!

    Arbaco--Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco--Manchester


Riyad Mahrez ayaa ugu dambeyn ku biiray kooxda Man City, markii ay ka bixisay lacag gaareysa £60milyan oo Gani, isagoo ka dhaqaaqay kooxdii uu horyaalka sida Naadirka ah ugula Guuleystay ee Leicester City.


Wuxuu Noqday laacibkii ugu qaalisanaa ee kooxdani ay soo Iibsato Taariikhda, Toddobaadyo uun ka hor inta aysan kooxdani u howlgelin difaacashada Horyaalka England oo ay Sanadkii hore qaadeen.



Pep Guardiola ayaa sheegay inuu u Ilmeeyay saxiixa laacibka dalka Algeria, kaasoo ay kala wareegeen Leicester, ka gadaal Fashilkii ay Suuqii bishii January kala Laabteen Qaadashadiisa.


'Ma Qeexi karo kooxda aan kusoo Biiray, balse waan ogahay sida wanaagsan ee ay u ciyaaraan, "Guul ama Geeriā€ waa halku dhigga aan leeyahay, Habka Tababarka ee Pep waa mid aanan Macneyn karin, waayo xiddigaha oo dhan ayaa ku taama in ay Agtiisa joogaan' laacibka Garabka ka ciyaara ayaa sidaas sheegay.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip