In ka badan 54 Boqolkiiba Taageerayaasha Real Madrid ayaa u codeeyay in Laacibkan uu Beddel u Noqdo Ronaldo!

0
Thursday July 12, 2018 - 10:26:29 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 341
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In ka badan 54 Boqolkiiba Taageerayaasha Real Madrid ayaa u codeeyay in Laacibkan uu Beddel u Noqdo Ronaldo!

    Khamiis--Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis--Madrid


Cristiano Ronaldo siima ahaan doono laacib ka tirsan Real Madrid, waxaana qaar badan oo ka mid ah Taageerayaasha kooxdan ay codsadeen in Kylian Mbappe laga dhigo beddelkiisa.


Booska uu Faarujiyay laacibka dalka Portuguese-ka ayaa ah halka la doonayo in waqtigaan la buuxiyo, waxaana jira in Neymar uu ahaa laacibka ugu dhow ee Taageerayaasha Real ay ku fakarayeen in lagu buuxin karo.



Tottenham Hotspur laacibkeeda Harry Kane ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha lala xiriirinayo Naadiga Horyaalka Yurub ah; Kylian Mbappe oo gaaray Final-ka Koobka Dunida ayey taageerayaal badan hadda doonayaan saxiixiisa.


Boqolkiiba 54 Taageerayaal ka badan oo kuwa Real Madrid ah ayaa u codeeyay laacibka kooxda Paris Saint-Germain in uu noqdo beddelka Laacibkaas, wargeyska MARCA oo codeynta sameeyay ayaana sheegaya inuu yahay laacibkaas kan ugu mudan.


Eden Hazard waa laacibka labaad ee ay doonayaan Taageerayaasha kooxdan, 15 boqolkiiba ayuuna ka helay Codeynta, Neymar ayaa helay 14 Boqolkiiba halka Kane uu isna helay Codeynta 10%.


Lixda Cod ee kale ee aan lagu soo Bandhigin halkan cidna uma aysan Codeynin.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip