Olivier Giroud oo u dhaqaaqaya La Liga

0
Saturday July 21, 2018 - 22:46:27 in Wararka by Nasri Ahmed
  • Visits: 446
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Olivier Giroud oo u dhaqaaqaya La Liga

    Sabti - Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti - Madrid

Kooxda Atletico Madrid ayaa u dhaqaaqaysa sidii ay u meel marin lahayd saxiixa weeraryahanka kooxda kubadda cagta Chelsea iyo xulka France Olivier Giroud.

Sida aan kasoo xiganay SKy kooxda reer Spain ayaa ku dooneysa laacibkan inay ku qaadato qaab amaah ah, walow Chelsea ay quud darreyneyso in xiddigan ay si toos ah isaga iibiso.

Weeraryahankan ayaa naadiga Chelsea ugu dhaliyay 3 gool 13 kulan xaggaagi idlaaday, isagoo horaanti Janaury kaga soo biiray kooxda ay ku loolamaan magaalada London ee Arsenal.


Laacibkan oo xulka Les Blues la hantay sanadkan Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Russian, ayaa ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto 7 kulan oo cayaarahaas uu kasoo muuqday.

Kooxda Atletico ayaase xiddigan u hanqal taagaysa maadaama aysan war saxan ka helin weeraryahanka doorka koowaad u ah ee Nikola Kalini, Laacibka reer Croatia ayaana u muuqda mid fasax ka dhowraya kooxdiisa AC Milan.

Dhanka kale Chelsea ayaa isha ku heysa wiilka hayaanka ka ah Juventus ee Higuain, waana sababta ay u dooneyso in si toos ah ay isaga beeciso Giroud.

Maurizio Sarri oo waayihiisii Napoli la soo shaqeeyay 30 jirka reer Argentina ayay warbaahinta Italy aaminsan yihiin inuu laacibkaa u kaxeysan doono gegada Stamford Bridge.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip