Vidal oo dib ugu laabanaya Serie-A

0
Tuesday July 31, 2018 - 16:09:04 in Wararka by Nasri Ahmed
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Vidal oo dib ugu laabanaya Serie-A

    Talaado - Milan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado - Milan

Bayern Munich xiddiga qadka dhexe uga cayaara Arturo Vidal ayaa dib ugu laabanaya horyaalka Serie-A oo saddex sanadood hortood uu uga soo dhaqaaqay gegada Allienz Arena.

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa qorsheyneysa inay la soo saxiixato qadkan dhexe ee reer Chile, warar hordhac ah ayaana tilmaamaya in labada kooxood ay heshiis is afgarad ah ka gaareen xaaladda laacibka.


Wartebiyaha reer Talyaani SportMediaSet ayaa sheeganaysa in kooxda Nerazzurri ay kolka hore 31 jirkaan ku soo qaadan doonto qaab amaah ah si ay uga fogaato dacwad ka dhan ah jebinta xeerarka dhaqaale, balse sanad kadib ay Bayern u gacan gelin doonto adduun lacageed dhan £17.8m

Madaxa fulinta ee Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge, ayaa shalay ku dhawaaqay in Vidal ay u ogol yihiin in dalabyo loo soo diro, ayna fasixi karaan laacibkan 22 goor xagaagii tegay ka soo muuqday Bundesliga.

Vidal, xiddigii hore ee Juventus, ayaa sanadkii guno ahaan ka qaadan doono Inter Milan adduun dhan £4m.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip