Baro 11-ka Laacib ee usoo Wada ciyaaray AC Milan iyo Real Madrid

0
Sunday August 12, 2018 - 11:03:38 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baro 11-ka Laacib ee usoo Wada ciyaaray AC Milan iyo Real Madrid

    Axad--Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad--Yurub

Real Madrid iyo AC Milan ayaa isu geynta ku guuleystay 20-mar koobka kooxaha Yurub ee Champions league magacii uu doonaba ha lahaadee, waana laba ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Caalamka.


Kulankii xalay ay ku qaateen koobka Trofeo Bernabeu, keddib waxaan indhaha ku heyn doonnaa 11-ka laacib ee kooxahaas usoo wada ciyaaray.


Gonzalo Higuain

Laacibka El Pipita ayaa kaliya u saxiixay AC Milan xagaagan isagoo ka yimid Juventus, wuxuuna horay 6-sano ugu soo qaatay Real Madrid ka hor intuusan ku biirin Napoli Sanadkii 2013.



Diego Lopez

Jose Mourinho ayaa ka doorbiday Iker Casillas ciyaaraha Los Blancos' in uu goosha u galo Laacibka dalka Spain ayaana ku biiray Rossoneri Sanadkii 2014.


Kaka

Wuxuu ahaa laacibkii ugu dambeeyay ee qaatay abaalmarinta Ballon d'Or ka hor inta aysan abaalmarintan 10-kii sano ee lasoo dhaafay u tashan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, laacibka dalka Brazil ayaana ku biiray naadiga Florentino Perez Sanadkii 2009, waana isla waqtigii ay soo qaadatay Ronaldo oo la geeyay Caasimadda Spain.


Ronaldo

Wuxuu usoo ciyaaray Labada kooxoodba, wuxuu sidoo kale usoo ciyaaray Labada kooxood ee kuwaas ugula xifaaltanka Badan Inter iyo Barcelona.

Laacibkii dalka Brazil ayaa caga dhigtay Madrid isagoo qaaday Koobka dunida 2002 ka hor inta uusan ku biirin AC Milan Sanadkii 2007.


David Beckham

Laacibkii reer England, Beckham ayaa la xasuustaa in uu labada kooxoodba isu maray.

Laba sanadood oo kala gedisan ayuu amaah ugu ciyaaray Milan waana Sanadihii 2008 iyo 2010.


Clarence Seedorf

Lama Illaawaankii dalka Dutch-ka wuxuu dhinac kasta oo Labadaan ka mid ah ku ahaa Guula badane, wuxuuna la hantay Champions League Labadaba, sidoo kalena wuu la qaada Ajax.


Robinho

Kuma uusan dhammeysan Madrid, wuxuuse kasoo ifay horyaalka Premier League.

Keddibna wuxuu u ciyaaray AC Milan Sanadihii 2010 ilaa 2014.


Antonio Cassano

Laacibkii reer Talyaani ayaa tegay Caasimadda Spain sanadkii 2006 markii uu ka dhaqaaqay Roma, balse qorshuhu muusan aheyn inuu shaqo badan ka qabto Madrid.

4-sanadood oo uu ku bixiyay Sampdoria, keddib AC Milan ayaa qaadatay 2011.


Fernando Redondo

Wuxuu ka caawiyay Real Madrid Hanashada Koobkii 8-aad ee European Cup wuxuuna ku wareegay Milan, oo uu ciyaaraha uga fariistay 2004.


Christian Panucci

Laacibkii difaaca Bidix ayaa kula guuleystay Real koobkii 7-aad ee Champions League isagoo kasoo dhaqaaqay naadiga AC Milan.


Klaas-Jan Huntelaar

Wuxuu ahaa laacibkii reer Holland ee lasoo shaqeeyay mid kasta oo ka mid ah Labadaan naadi waxqabadkiisaba Dhaliil halloo muujiyee.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip