Barcelona oo marki 13-aad ku guulaysatay Spanish Super Cup

0
Monday August 13, 2018 - 09:59:39 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona oo marki 13-aad ku guulaysatay Spanish Super Cup

    Isniin- Marocco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin- Marocco


 


Kooxda Barcelona ayaa marki 13-aad taariikhda kuguulaysatay koobka Super ee dalka Spain taasoo kadhigan in ay kooxda ugu hanashada badan koobkan.


Pablo Sarabia ayaa Seville hogaanka ciuyaarta u dhiibabay kadibh markii ay aaladaVideo Garsoorka caawiya ay gool ka dhuigtay kubad Off-side lagu sheegay.


 

Gerard Pique ayaa Barcelona u barbareeyay waxaana goolka guusha u saxiixayOusmane Dembele oo caawin kahelay Messi.



 

Sevilla aya heshayfursad ay kusoo barbarayn kartaybasle Goolhayaha Marc-Andre ter Stegen ayaa daqiiqadi u dambaysay ciyarta kooxdiisa ka badbaadiyay rigooro lagu helay taasoo Barcelonba u suurto gelisay in ay hantaan Super Cup-ka dalka Spain ciyaarta ka dhacdday Tangier, Morocco.


Marc-Andre ter Stegen ayaa qaladkiisa saxay maadam uu isaga sabab u ahaa rigoorada kadib markii uu qalad ku galay Aleix Vidal basle waxuu qabtay rigooro daciif ahayd oo uu ku laaday Wissam Ben Yedder.


 

Barcelona ayaa ka qayb qaadatay 9 kamid ah 10 Super Cup ee u dambeeyay hase yeesheekoobkan waxuu ka dhacay meel ka baxsandalka Spain oo ah dalka Morocco.


 

 

Waa marki lixad oo ay Barcelona ku guulaysanayso 9 sano jeer oo ay fiinaalkan kazoo muuqatay 10 sano ee lasoo dhaafay, sidoo kale waxuu noqonaya koobki 3-aad oo ayg sanadkan qaadaan ka gadaal Horyaalka iyo Coppa Del Rey.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip