Craystal Palace vs Liverpool, kulan rikoodh lagu dagaalami doono

0
Monday August 20, 2018 - 11:05:01 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Craystal Palace vs Liverpool, kulan rikoodh lagu dagaalami doono

    isniin- London

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

isniin- London


Kooxaha Liverpool oo kamid ah kooxha sanadkan ugu cadcad hanashada horyaalka Ingiriiska ayaa kulankooda labaad ee horyaalka caawa booqan doona kooxda Crystal Palace ee ka dhisan magaalda London.

Wararka labada Naadi:

 

Tababraha Crystal Place Roy Hodgson ayaa  haysta koox caafimaad ahaan taam ah, waxuuna sheegay in dhamaan ciyaartoydii aydhaawacyada soo gaareen kulanki Fulham ay soo kabteen.



 

 

Daafaca Liverpool Joel Matip ayaa laga yaabaa inuu Keydka kasoo muuqdo madib dhaawacii muruqa kasoo gaaray intii lagu gudojiray diyaargarowga horyaalka

 

Dejan Lovren ayaawali dhaawac kusii maqnaan doona sidaa darteed waxaana booskiisa geli doona Joe Gomez oo booska daafaca dhexe ku wehlin doona Virgil van Dijk.


Xog taariikheedka kulanka iyo kooxaha:

Liverpool ayaa 22 gool oo horyaalka ku dhalisay garoonka Selhurst Park taasoo ka badan dhamaan kooxaha kale ee Epl-ka.


Kadib kulamado guuldarro taxane ay CrystalPalace kala kulmaysay Liverpool ayaa5 kulan ee u dambeeyay ee horyaalka ka adkaanaysay.


 

 

Crystal Palace ayaa raadinaysa in ay kulankeedi afarad oo xiriir ah oo horyaalka ah guulaysto markai u horaysay tan iyo 1990, guushii afarad ee 1990 waxay ka gaartay Liverpool.


 

Palace marnaba kuma guulaysatn kulan furitaanka horyaalka Ingiriiska Premier League season.


Wilfried Zaha s ayaa hdaii uu gool dhaliyo ka sarao mari doona Chris Armstrong si uu u noqdo laacibki ugu goolasha badnaa taariikhda kooxda ee horyaalka.


Sidoo kale waxay Palace begsanaysaa Rikoodh ah inaysan guuldaro la kulmin 8 kulan oo xiriir ah oo horyaalka ah.


Liverpool ayaa guuldaraysay hal kulan shanty kulan ee u dambaysay horyaalka oo ay kulankeda koowad banaanka kusoo ciyaarto.


 

Waxuu kulanka Liverpool u noqon doona kulanki 73 eeElp ah oo ay maalin isbiin ah ciyaarto waana kooxda ugu badan.


Safafka la filan karo in ay kusoo bilwodaan labada koox:


Crystal Palace: Hennessey; Wan-Bissaka, Tomkins, Sakho, Van Aanholt; Milivojevic, McArthur, Schlupp, Townsend; Benteke, Zaha

 

Liverpool : Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Keita, Wijnaldum, Milner; Salah, Firmino, Mane.


Garoonka: Selhurst Park

Garoosaraha: Michael Oliver

Saacadda: 10:00




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip