Rikooradii Laga Diiwaan Galiyay Kulankii Barceloona Goolasha ay Kala Daashay Kooxda Huesca..

0
Monday September 03, 2018 - 02:34:18 in Wararka by
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rikooradii Laga Diiwaan Galiyay Kulankii Barceloona Goolasha ay Kala Daashay Kooxda Huesca..

    Isniin-Barcelona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-Barcelona


Kooxda Barceloona ayaa guul fudud ka gaartay kooxda Martida u ahayd ee Huesca iyagoo 8-2 ugu qubeeyay ciyaar xiisa badneyd oo ku tirsaneyd Horyaalka Laliga Dalka Spain.

Kulankaas ayaa laga diiwaan galiyay Taariikho cajiib ah oo aan idin soo aruurinay.

1. Waxa jiray 18 baas oo ka horeeyay goolkii ay kooxda Huesca ka dhalisay kooxda Barcelona waana kooxdii ugu horaysay ee gool noocaas oo kale ah ka dhalisa garoonka Camp Nou tan ilaa 2005/2006.

2. Lionel Messi ayaa gool ka dhaliyay 37 kooxood oo ka mid ah 40 kooxood oo uu wajahay horyaalka La Liga isaga oo ka dhaliyay 386 waana xiddiga ugu badan ee abid sidaas ka sameeya horyaalka.

3. Daafaca Jordi Alba ayaa caawiye ka noqday 9 gool tan ilaa xilli ciyaareedkii hore ee horyaalka La Liga waana daafaca ugu badan ee sidaas sameeyay horyaalka.

4. kabtnaka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay gaadha 150 caawin horyaalka La Liga qarniga 21-aad.

5. Shanta Xiddig ee haatan ugu caawinta badan horyaalada ugu waaweyn yurub ee 5-ta ah:

LIONEL MESSI: 150

Cesc Fàbregas: 143

Mesut Özil: 128

Cristiano Ronaldo: 122

Dani Alves: 110

6. Shanta Xiddig ee uu Lionel Messi goolasha ugu badan ka caawiyay horyaalka La Liga:

Luis Suárez: 23

Pedro Rodríguez: 14

Samuel Eto’o: 13

Neymar: 12

David Villa: 10




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip