Lionel Messi Oo 12-sano Kaddib Seegay Seddexda Xiddig ee u Tartamaya Abaalgudka Laacibka Adduunka 2018!!

0
Tuesday September 04, 2018 - 10:28:28 in Wararka by
  • Visits: 166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi Oo 12-sano Kaddib Seegay Seddexda Xiddig ee u Tartamaya Abaalgudka Laacibka Adduunka 2018!!

    Talaado-Adduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Adduunka

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa seegay booska seddexda xiddig ee u sharaxan abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadka 2018.

Cristiano Ronaldo, Luka Modric iyo Mohamed Salah ayaa loo magacaabay abaalmarinta ugu weyn ee abaalmarinada xiddigaha kubadda cagta, waana markii ugu horeysay ee Messi uu ka maqnaado seddexda xiddig ee abaalmarintan 12-sano kaddib.

Weeraryahanka cusub ee Juventus Ronaldo ayaa ku guuleystay abaalmarinta sannadihii labadii sano ee la soo dhaafay, halka uu sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or shan jeer.


Ronaldo wuxuu ka caawiyay Real Madrid koobkii seddexaad oo isku xigta oo Champions League ah iyadoo sidoo kale ku jiro Modric, oo sidoo kale Croatia geeyay finalkii Koobka Adduunka xagaagaan.

Dhanka kale Liverpool laacibkooda Salah, ayaa 44 gool ka dhaliyay tartamada oo dhan isagoo Reds geeyay finalkii Champions League, halkaasoo ay qasaaro kala kulmeen Madrid.


- HORUMARKA -
Messi ayaa dhaliyay 45 gool 54 kulan oo uu u saftay Barcelona xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxaana ku jira 34 gool 36 kulan oo La Liga ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip