Wadajir iyo Xamar Wayne oo usoo baxay wareegga Rubuc-dhamaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka+Sawirro

0
Saturday September 08, 2018 - 11:15:53 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadajir iyo Xamar Wayne oo usoo baxay wareegga Rubuc-dhamaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka+Sawirro

    Sabti- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti- Muqdisho

Degmooyinka Wadajir iyo Xamar wayne ayaakusoo biiray liiska degmooyinka usoo gudbay wareegga rubuc-dhamaadka tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2018.


Wadajir ayaa 4-1 uga adkaatay Heliwaa oo ay kulan ciyaareed xiiso lahaa ku yeesheen garoonka Jaamacadaha, waxaanagoolasha laba kamid ah u saxiixay laacibka No-10 Cabdalla Kuukaay Cal, halka ay goolasha kale u saxiixeen Ayuub Axmed Aadan iyo Cusmaan Cabdiqani Basto oo rigooro kusoo qatimay. Goolka qura ee Heliwaa waxaa u saxiixay Ceyduruus Cabdullaahi Yuusuf.



Dhanka kale degmada Cabdi-casiis ayaa 1-0 uga adkaatay Xamar Wayneoo ay kulan adag ku qaateen garoonka Banaadir.


Group D waxaa kaalinta koowaad uga soo baxay Wadajir oo 7 dhibcood keensatay,iyo Xamar Wayne oo 4 dhibcooduruursatay, waxaana tartanka isaga haray Heliwaa iyo Cabdi-casiis oo min 3 dhibcood keensaday.


Degmooyinkan ayaa ku biiraya , Wabaeri, Boondheere, Howl-wadaag, Shibis iyo Hodon, waxaa maanta booska dhiman soo buuxin doonta degmooyinka Shangaani iyo Kaxda midkood oo ku ballansan garoonka Jamaacadaha.


Kaxda ayaa 3 dhibcood oo ay ku heshayganaaxii tartanka looga saarayDharkenley sidata , halka Shangaani ay 5 dhibcood leedahay waxayna kaxda kusoo baxdaa kaliya guul, halka Shangaani iyo guul iyo barbaraba kusoo gudbi karto.


Labada koox ayaa galabta ku ballansan garoonka Banaadir saacadda3:30 galabnimo

 

Waaxda warfaafinta Xafiiska isboortiga Gobolka

 

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip