Kenya oo 10 ciyaartoy ku dheeleysa ayaa guul la yaab leh ka gaartay Ghana, Ciyaarihii laga ciyaaray Isreereebka 2019 Africa Cup of Nations

0
Sunday September 09, 2018 - 09:37:14 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo 10 ciyaartoy ku dheeleysa ayaa guul la yaab leh ka gaartay Ghana, Ciyaarihii laga ciyaaray Isreereebka 2019 Africa Cup of Nations

    Axad--Africa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad--Africa

Toban laacib oo u safnaa xulka Kenya ayaa ka adkaaday Ghana ciyaar ku dhammaatay 1-0 oo Sabtigii ka dhacday magaalada Nairobi, kana tirsaneyd is reereebka Koobka Qaramada Afrika ee 2019-ka.


Natiijooyinka kale ee Sabitigii ka dhacay Ciyaarahana, Nigeria waxay 3-0 uga badisay Seychelles iyadoo xulka koobkan Sanadka dambe Marti gelinaya ee Cameroon ay garab dhac 1-1 la dhaafi waayeen Comoros.


Labaduba South Africa iyo Uganda ayaa lagu hakiyay 0-0 Garab dhacyo ah, markii ay la kulmeen xulalka Libya iyo Tanzania halka xulka 2012 Koobka Afrika hantay ee Zambia ay iyaguna Garab dhac 0-0 ah la galeen Namibia.



Xulalka 12-ka Group kaalinta Koobaad uga soo baxa iyo kuwa Kaalinta 2-aad ayaa waxay xaqiijin doonaan iney ka mid yihiin ka qeyb galayaasha 2019 Nations Cup, marka laga reebo Guruubka Group B, oo ay kasoo Baxayaan xulka Martigelinaya Koobka ee Cameroon iyo xulka ugu dhibcaha Badnaada.


Kenya ayaa ka yaabsatay Ghana

In ay khasaaraan kulankooda koobaad ee Group F ciyaar ay la qaateen Sierra Leone, Kenya – oo uu hoggaaminayo Macallinka reer Faransa ee Sebastien Migne – wuxuu isaga soo meyray jabkii uu ku dhigay kooxda Ghana ee Black Stars iyadoo rajada ay qabaan xulkan ay aad u wanaagsantahay.


Kooxda Qaranka Harambee Stars ayaa dhalisay goolkeeda kaliya ee Guusha ku hagay daqiiqaddii 40-aad, markaas oo uu Kama’ gool iska dhaliyay laacibka xulka Ghana Nicholas Opoku.


Ghana ayaa Cadaadis ku ekeysay Shabaqa kooxda Kenya, waxaana uu cadaadisku sababay in Joash Onyango Kaarka Gaduudan ciyaarta looga saaro.


Kooxda martida loo ahaa ee Kenya ayaa dhanka dhibcaha hadda kala simatay Guruubka Group F xulalka Ghana iyo Sierra Leone.


Sierra Leone ayaa Guruubka si fiican ugu fariisan karta Booskiisa hore, haddii ay Khasaare ka badbaadaan Ciyaarta maanta oo Axad ah ay la qaadanayaan Ethiopia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip