Xog: Isbadello Waaweeyn oo Lagu Sameeyay Koobka Qaramada Qaarada Africa

0
Sunday September 09, 2018 - 13:50:52 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 85
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Isbadello Waaweeyn oo Lagu Sameeyay Koobka Qaramada Qaarada Africa

    Axad-Africa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-Africa


Wadamada qaarada Africa ayaa bilowday kulamada is reeb-reebka koobka qaramada qaarada Africa ee lagu qaban doono dalka Cameroon sanadka dambe ee 2019.

Xiriirka kubada cagta Africa ayaa sanadkii hore shaaca ka qaaday in tartanka lagu samayn doono laba is badal oo muhiim ah oo uu ugu horeeya wakhtiga la qaban doono oo ah bilaha June ama July halkii markii hore la ciyaari jiray bilowga sanadka ee bisha Janaury si looga fogaado in ay tartanka isku dhacaan horyaalada qaarada yurub ee ay ka ciyaaraan xiddigaha qaarada Africa.

Is badalka 2-aad ayaa khuseeya xulalka ka qayb qaadan doona tartanka qaaramada qaarada Africa iyada oo la kordhin doono xulalka ka qayb qaadan doona tartanka.

Tartanka ayay markii hore ka qayb qaadan jireen 16 xul oo kaliya laakiin waxa haatan ka qayb qaadan doona 24 xul si xiiso loogu yeelo tartanka loona kordhiyo xulalka ka qayb qaadanaya.

Taas ayaa la macno ah in la kordhinayo xulalka u gudbaya wareega Group-yada oo ah in Group kasta ay gudbi doonaan 2 xul ee ugu horeeya marka laga reebo Group-ka 2-aad oo ay ku jirto xulka Cameroon oo iyadu si toos ah ugu gudbi doonta maadama uu yahay wadanka marti galin doona tartanka, Taas ayaa keenaysa in ay 3 xul ku tartamaan hal boos kuwaas oo kala ah Morocco,Malawi Iyo Comoros




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip