Dhimasho ka dhalatay Isbuurasho ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Xulka Madagascar

0
Monday September 10, 2018 - 13:52:23 in Wararka by Muuse Cabdi
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimasho ka dhalatay Isbuurasho ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Xulka Madagascar

    Isniin--Antananarivo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin--Antananarivo


Ugu yaraantii 1 qof ayaa ku geeriyooday Isbuurasho ka dhacday Garoon Kubadda Cagta lagu Ciyaaro oo ku yaalla dalka Madagascar halkaas oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 40 qof oo kale.


Dhacdadaas ayaa dhacday waxyar uun ka hor inta aysan Billaaban ciyaartii u dhexeysay xulalka Madagascar iyo Senegal ee loogu soo baxayay ciyaaraha Koobka Afrika ee Africa Cup of Nations, sida ay warbaahinta Gudaha dalkaasi warineyso.



Kumannaan Taageerayaal ah ayaa soo Xaadiray Garoonka, iyagoo isku deyaya in ay gudaha u galaan si ay ciyaarta u daawadaan iyadoo kaliya 1 ka mid ah Albaabada waaweyn ee Garoonka uu ahaa mid furan.


Laba ka mid ah dadka dhaawacmay oo xaaladdoodu darantahay ayaa la wariyay in loo qaaday Isbitaalka Caasimadda Antananarivo.


Dadkii ugu badnaa ee ciyaar isugu yimaada kuwo aan ka tira yareyn ayaa isugu yimid Garoonka Stade Municipal de Mahamasina.


Raadiye laga leeyahay dalka Faransiiska oo la yiraahdo RFI ayaa sheegay in dadka laga ilaalinayay in ay garoonka galaan, balse ay Albaabada Furteen Markii dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip