XUSHMAD: Mohamed Salah Oo Loogu Magac Darayo Wado Weeyn Oo Ku Taala Dalkiisa Masar!

0
Monday September 17, 2018 - 10:27:05 in Wararka by
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XUSHMAD: Mohamed Salah Oo Loogu Magac Darayo Wado Weeyn Oo Ku Taala Dalkiisa Masar!

    Isniin-Masar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-Masar


Ganacsadaha reer Masar ee Naguib Sawiris ayaa soo dhaweeyay fikir la yaab leh oo ah in wado ku taala tuulada El Gouna loogu magac daro xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah.

Xiddiga kooxda Liverpool Iyo xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah ayaa xaday indhaha dad badan oo aan xitaa qaarkood waxba ka aqoon kubada cagta ama aan xiisayn daawashadooda.

Ganacsadaha reer Masar ayaa u jawaabay mid ka mid ah dadka ay Twitter-ka Asxaabta ku yihiin in uu Mohamed Salah ugu magax daro wado ka mid ah masar sidii dhacday fanaanada reer Masar ee Yousra isaga oo yidhi” Fikrad wanaagsan, laakiin waa inaan weydiistaa Samih Akoya”

Naguib Sawiris oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi” Haye Samih wuu ogolaaday in la xir galiyo laakiin waa in marka hore la waydiiyo Salah”.

Xiddiga ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku xaday indhaha adduunka xilli ciyaareedkii hore halka uu sidoo kale xiddigan dadka isku jeclaysiiyay Akhlaaqdiisa iyo af gaabnidiisa inta lagu jiro garoonka.

Salah ayaa xilli ciyaareedkan kooxdiisa la gaaray 5 guulood oo xiriir ah isaga oo dhaliyay 2 gool sidoo kale 2 kale caawiye ka noqday 5-ka kulan ee ay kooxdiisu ciyaartay premier League.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip