WARBIXIN: Taariikh Ceynkee ah Ayeey Isku Leeyahiin Kooxaha Liverpool iyo PSG Oo Caawa Ku Balansan Kulanka Ugu Adag ee Champions League?

0
Tuesday September 18, 2018 - 11:17:44 in Wararka by
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Taariikh Ceynkee ah Ayeey Isku Leeyahiin Kooxaha Liverpool iyo PSG Oo Caawa Ku Balansan Kulanka Ugu Adag ee Champions League?

    Talaado-UCL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-UCL


Ciyaarta ugu xiisaha badan caawa ee Tartanka Champions League ayaa ah tan dhex taala kooxaha Liverpool oo Ingiriiska ah iyo PSG oo Faransiiska ah.

Kulan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee ay wada ciyaaraan labada kooxood intii tartanka loo bixiyay magaca champions League iyaga oo aan wali horay u kulin.

Kulanka loo balansan yahay caawa ee dhex mari doonta kooxaha Liverpool iyo PSG ee wareega Group-yada tartanka champions League ayaa noqon doonta midkii ugu horeeyay ee ay labada kooxood isaga hor yimaadaan champions league iyaga oo aan wali wada ciyaarin.

Kulanka kaliya ee tartamada yurub kulmiyay labada kooxood ayaa ah Semi-finalkii UEFA Cup Winners’ Cup sanadkii 1996/1997 markaas oo ay Liverpool ku badisay 2-0 lugtii hore ka hor inta ayna PSG 3-0 uga badin.

Rikoor Nocee ah ayeey Liverpool ka heysata Kooxaha Faransiiska Tartanka Champions League?

Liverpool ayaa haysta 7 guulood hal bar-baro iyo 4 guuldaro tartanka champions League marka ay la ciyaarayso kooxaha reer France waxana ay badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee Anfield kadib markii laga badiyay 3-dii kulan ee ka horaysay.

Kooxda PSG ayaan dhankeeda wax guul ah ka helin kooxaha reer England iyaga oo kala kulmay 3 bar-baro iyo hal guuldaro halka kulankii ugu dambeeyay ee ay Liverpool koox France ah la ciyaarto ahaa sanadkii 2009/2010 markaas oo ay la ciyaartay kooxda Lyon.

PSG ayaa guuldaro la kulantay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan iyada oo kulankii hore guuldaro kala kulantay Real Madrid ka hor inta ayna Guuldaro kala kulmin kooxda Bayern Munich.

Hadii ay PSG guuldaro kala kulanto kooxda Liverpool waxa ay noqon doontaa Rikoorkii ugu xumaa ee taartiikhda tartanka Champions League tan ilaa 2002, 2004.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip