Fiinaalka tartanka kubadda cagta degmooyinka oo dib loo dhigay iyo kaalinta saddaxaad oo la ciyaari doono

0
Tuesday September 18, 2018 - 15:34:03 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fiinaalka tartanka kubadda cagta degmooyinka oo dib loo dhigay iyo kaalinta saddaxaad oo la ciyaari doono

    Talaado- Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado- Muqdisho

Waxaa maanta xaruntaGobolka Banaadir ka dhacaykulan lagu iclaaminayay xilliga uu qabsoomayo fiinaalaha tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2018.


Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, ING, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Yariisoow) , waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhallinyara iyo isboorrtiga, Masuuliyiinta qaybaha kale duwan ee Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta Xiriirka Kubadda cagta, waxuuna guddoomiyaha tilmaamayKulanka oo uu ujeedkiisu ahaa sidii tartanka kubadda cagta Cagta degmooyinka Fiinaalkiisa diyaar garow wanaagsan loogu samayn lahaa loogana dhigi lahaa midtaariikhi ah.



Intaa kadib warbixin ku aadan xaalada tartanka waxaa laga dhagaystay guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Mudane Xasan Wiish, waxuuna tilmaamay in tartanka uu ad u xiiso badnaa bandhiga degmooyinka uu aad u wanaagsanaa , waxuuna mahad celin suoo jeediyay qaybaha kale duwan gobolkaBanaadir , Xiriirka kubadda cagta iyo wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga oo garab wayn xafiiska Isboortiga ku siiyay in tartanka uu qurux badnaado.


Masuuliyiinta kulanka ku sugnaa ayaa falanqeyn ku sameeyay dhacdooyinki laga bartay tartamada hore iyo sidii sare loogu qaadi lahaa finaalka tartanka waxaana layska gartay in Fiinalka tartanka o ay ku ballansan yihiin degmooyinkaWaaberi iyo SHibis laga dhigo 24-bisha oo ku beegan maalinta isniinta habeenka ay talaada soo galayso xilli habeen ahna la ciyaaro ,sidoo kale waxaa kulanka lagu go’aamiyay in degmooyinka Hodon iyo Shangaani ay galabta Isniinta ciyaaraan kulanka kaalinta saddaxaad.


Gebogabadii guddoomiyahaGobolka Banaadir Ana duqa magaalada Muqdisho, Ing Cabdiraxmaan Cumar Cismaan( Yariisoow) iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga Axmed Cumar Isloow oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in caasimadda Muqdisho la tartantocaasimadaha kale ee dunida sidoo kale Soomaaliyana la tartano dalalka caalamka sidaa awgeed aymuhiim tahay in fiinaalka tartanka kubadda cagta degmooyinkadiyaar xooggan oo dhankasta loo galo caasimadana laga dareemo waxa uu ka dhigan yahay tartankaas.


Waaxda warfaafinta xafiiska Isboortiga Gobolka Banaadir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip