Warbixin: Maxaa Laga Bartay Kulamadii Todobaadka 1-aad Ee Champions League?

0
Thursday September 20, 2018 - 15:36:06 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Maxaa Laga Bartay Kulamadii Todobaadka 1-aad Ee Champions League?

    Khamiis-UCL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis-UCL


Waxaa La Ciyaaray Todobaadka 1-aad ee Koobka Champions League wareegiisa guruubyada waxaana kasoo baxay ciyaaro qurux badan iyo natiijooyin qaarkood lama filaan ah.

Kooxda Real Madrid ayaa guul ay u qalantay ka gaartay kooxda Roma halka Ay United ka badisay kooxda Young Boys kulan uu Paul Pogba dhaliyay 2 gool.

Dhanka kale kooxda Juventus ayaa ka badisay kooxda Valencia inkasta oo kaarka cas looga taagay xiddigooda Cristiano Ronaldo wakhti hore oo ah qaybtii hore ee ciyaarta.

Natiijada lama filaanka ah ayaa ah guuldaradii ay Man city kala kulantay kooxda Lyon inkasta oo ay joogtay garoonkeeda Etihad.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa xog iyo xaqiiqooyin laga diwaan galiyay kulamadii xalay laga ciyaaray champions League.

1.Tababaraha Kooxda Hoffenheim ee julian Nagelsmann ayaa noqday tababarihii ugu yaraa ee abid ka soo muuqdo kulan champions League ah isaga oo tababare ah.

2.Goolkii uu dhaliyay xiddiga Nicolás Tagliafico ee kooxda Ajax ayaa ah goolkii 500-aad ee uu xidig reer Argentine ah ka dhaliyo taariikhda tartanka champions League marka lagu daro goolasha khaladka la isaga dhaliyay.

3.Dhamaan kulamadii kooxda Man city ee 42-ka ahaa ee champions League ayaanu midna ku dhamaan bar-baro goolal la,aan ah.

4.Xiddiga Jadon Sanch ayaa noqday xiddig 7-aad ee England u dhashay ee kulankiisa ugu horeeya Champions League u safta koox ka baxsan Britain isaga oo ay rikoodhkaas kaga horeeyeen xiddigaha Brian Deane (Benfica), Michael Thomas (Benfica), Scott Minto (Benfica), Steve McManaman (Real Madrid), Owen Hargreaves (Bayern Munich) & Matt Derbyshire (Olympiakos).

5.Cristiano Ronaldo ayaa loo taagay kaadhkii casaa ee ugu horeeyay ee tartanka champions League kadib 154 kulan oo uu ciyaaray tartanka.

6.Lix ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxda Man City looga horeeyo 2 gool qaybta hore ee ciyaarta ee ka dhacay Etihad ayaa ahaa champions League.

7.Xiddiga kooxda Real Madrid ee Isco ayaa noqday xiddiga 4-aad ee inta ugu badan isku dayay laadka xorta ah tartamada oo dhan sanadka 2018.

  • 1 – Cristiano Ronaldo: 9/0
  • 2 – Gareth Bale: 6/0
  • 3 – Marco Asensio: 5/0
  • 4 – ISCO ALARCON: 4/2

8.Kaliya xiddiga Sergio Aguero oo dhaliyay 20 gool tartamada oo dhan ayaa ka goolal badan xiddiga Bernardo Silva sanadka 2018 kaas oo dhaliyay 9 gool.

9.Man City ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee Enland ah ee laga badiyo 4 kulan oo xiriir ah taariikhda tartanka champions League.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip