Kulamadii Sabtida ee Horyaalka Ingiriiska waxaa laga soo calaamadeeyay Natiijooyin kala duwan kooxaha waa weeyn qaarkood ayaa guulo muhiim u ah gaaray Halka United taako loo dhigay.

Kooxda Man United ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Wolves kulan ay mar kale Old Trafford ku lumiyeen dhibcod muhiim ah oo premier League ah.

Hadaba waxaan idin soo aroorinay Waxyaabahii Laga Bartay Kulamadii ay Ciyaareen Kooxaha Waa Weeyn Sida, Liverppol, Man City iyo Man United.

1.Sergio Aguero ayaa saftay kulankii 300-aad ee kooxda Man City ee tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 204 gool sidoo kale caawiye ka noqday 50 gool oo kale.



2.Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Man United Fred ayaa noqday xiddigii 500-aad ee gool u dhaliya kulan Rasmi ah kooxda Man United.


3.Sergio Aguero ayaa dhaliyay 13 gool sidoo kale caawiye ka noqday 2 kale 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ka hor tagay kooxaha ku cusub premier League.


4.Mohamed Salah ayaa si toos ah ugu lug lahaa 41 gool 31 kulan oo uu u saftay Liverpool tartamada oo dhan 30 gool, 11 caawiye ah.


5.Weeraryahanka kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa noqday xiddiga 10-aad ee ugu goolasha badan horyaalka premier League isaga oo ku jira kaalinta 10-aad isaga oo dhaliyay 147