XOG: Rikooradii Laga Diiwaan Galiyay Kulankii Chelsea & Liverpool ee Bareejada Kusoo Dhamaaday

0
Sunday September 30, 2018 - 11:11:29 in Wararka by
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG: Rikooradii Laga Diiwaan Galiyay Kulankii Chelsea & Liverpool ee Bareejada Kusoo Dhamaaday

    Axad-England

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axad-England




Kulankii ugu xiisaha badanaa toodbaadkan horyaalka premier Leageu ayaa ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah kulankii u dhexeeyay kooxaha Chelsea iyo Liverpool ee ka dhacay garoonka Stamford Bridge.


Chelsea ayuu goolka u dhaliyay xiddiga Eden Hazard kaas oo dhaliyay goolka qaybtii hore ee ciyaarta laakiin Daniel Sturridge ayaa gool cajiib ah kooxdiisa uga badbaadiyay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka isaga oo dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.



Waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa xogtii laga diwaan galiyay kulankii ay bar-baraha ku kala bexeen kooxaha chelsea iyo Liverpool ee premier Leaugue.


1.Daniel Sturridge ayaa noqday xiddigii 7-aad ee Liverpool u dhaliya 50 gool oo premier League ah isaga oo maray wadada xiddigaha Fowler, Gerrard, Owen, Suarez, Torres, Kuyt.


2.Tan ilaa bishii February 2007 kaliya Olivier Giroud oo dhaliyay 19 gool ayaa ka badan Daniel Sturridge goolasha uu dhaliyay marka uu kaydka ka soo koco isaga oo dhaliyay 17 gool.


3.Eden Hazard ayaa 6 gool ka dhaliyay kaliya 8 laad oo uu ku laagay goolka ilaa haatan xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip