Man United iyo AC Milan Waxaa Ka Dhaxeeya Dagaal Dhanka Suuqa Ah, Sidee iska Hubi!!

0
Tuesday October 02, 2018 - 17:51:17 in Wararka by
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United iyo AC Milan Waxaa Ka Dhaxeeya Dagaal Dhanka Suuqa Ah, Sidee iska Hubi!!

    Talaado-Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Manchester


wargayska Corriere Dello Sport kana soo baxa dalka Italy ayaa saaka oo Salaasa ah si la yaab leh u qoraya in ay kooxda Man United haatanba bartilmaameedsatay badalka Jose mourinho.

Antonio Conte iyo Beppe Marotta ayaa lala xiriirinayaa inay u dhaqaaqaan Manchester United. Sida laga soo xigtay Il Corriere Dello Sport, Red Devils ayaa haatan ku jirta masiibo uu abuuray jose Mourinho kuwaas oo ay doonayaan in ay si deg-deg ah u dhamaystiraan kooxdana ugu soo celiyaan halkii ay kaga jirtay adduunka.

Jose Mourinho ayaa sidoo kale ka dambeeya khilaaf weyn oo kala dhexeeya xiddigaha kooxda oo door muhiim ah ka qaadanaya masiibada kooxda ku jirto bilowga xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Corriere Dello Sport Ac Milan ayaa sidoo kale isha ku haysa xaalada Conte iyo Moratta kuwaas oo kooxda Juventus ku soo celiyay halka ugu saraysa horyaalka Italy sanadkii 2012, Rossoneri ayaanu ku jirin wax deg-deg ah in ay badalaan tababarohooda laakiin xilli ay Conte & Marotta bilaa koox yihiin waxa ay si fiican ula socotaa xaaladooda.

Conte and Marotta Ayaa diyaar u ah in ay ku midoobaan koox weyn oo reer yurub ah si ay mar kale u wada shaqeeyaan kadib markii ay wakhti fiican ku soo wada qaateen kooxda Juventus.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip