Real oo la raamsaday, Man United oo taako loo dhigay iyo Dybala iyo Dzekco oo saddaxleey dhaliyay, ogoow natiijooyinka kulamadii xalay ee Champions League iyo sida ay kooxaha u kala horeeyaan

0
Wednesday October 03, 2018 - 10:12:56 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real oo la raamsaday, Man United oo taako loo dhigay iyo Dybala iyo Dzekco oo saddaxleey dhaliyay, ogoow natiijooyinka kulamadii xalay ee Champions League iyo sida ay kooxaha u kala horeeyaan

    Arbaco- Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco- Yurub


Waxaa xalay qaaradda yurub ka dhacay kulamada lugta labaad wareegga Group-ka koobka kooxaha Horyaalada Yurub 2018-19.


Bayer Munich iyo Ajax oo kulamada Lugta koowaad guulo kusoo bilaabay Group E, ayaa barbaro 1-1 isku mari waayay , halka Benfica oo lugtii horeguuldarro kala kulantay Bayer Munich ay 3-2 uga adkaatay AEK Athens oo ay u martisay.


Group E waxaana min afar dhibcood ku hogaaminaya Bayer Munich iyo Ajax, Benifca ayaa 3 dhibcood leh, halka AEK Athens ay ebed taagan tahay.



Man City oo Lyon guuldarro kala soo hoyatay kulanko koowaad ee Group F, ayaa xalay 2-1 dirqi ah uga libin heshay kooxdaHoffenheim ee dalka 

Germany waxaana goolasha u kala dhaliyay Sergio Aguero iyo David Silva, halka Lyon iyo Shakhtar Donesk ay barbaro 2-2 ku kala tageen.


Group F waxaa 4 dhibcood ku horkacaysa Lyon, Man City 3, Shaktar Donesk 2, Hoffeinham 1


Kooxda CSKA Moscow ayaa 1-o uga adkaatay kooxda tartanka daafacanaysa ee Real Madrid, waxaana goolka qura u saxiixay Nikola Vlašić,,halka 

kooxda Roma ay 4 gool oo ay 3 ka heshay Dzeko ay ugu awood sheegatay kooxda


Group G waxaa 4 dhicbood ku horboodaysa kooxda CSKA Moscow, Real Madrid 3 Roma 3 Viktoria Plzen

1.

Juventus oo uu ganaax kaga maqnaa Christiano Ronaldo ayaa 3 gool oo ay uga mahadcc elinaysao Dybla uga itaal-roonaatay kooxda Young Boys ee dalka Switzerland, waxaa dhanka kale barbaro 0-0 ku dhamaystay kooxaha Manchester United iyo Valencia oo Old Traford ku loolamay.

Group H waxaa 6 dibcood ku hogaaminaysa kooxda juventus waxaa kusoo xiga Man United oo 4 dhibcood leh, Valencia 1 iyo Young Boys oo eber jooga

Halkan ka aqriso Natiijooyinka

Champions League - Group E October 2

AEK Athens 2 - 3 Benfica

Bayern Munich 1 - 1 Ajax

Champions League - Group F October 2

Hoffenheim 1 - 2 Manchester City

FTLyon 2 - 2 Shakhtar Donetsk

Champions League - Group G October 2

FTCSKA Moscow 1 - 0 Real Madrid

FTRoma 5 - 0 Viktoria Plzen

Champions League - Group H October 2

FTJuventus 3 - 0 Young Boys

FTManchester United 0 - 0 Valencia




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip