UEFA Oo Soo Saartay Liiska Xiddiga U Tartami Doona Laacibka Todobaadka Ee Champions League.

0
Thursday October 04, 2018 - 11:55:43 in Wararka by
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UEFA Oo Soo Saartay Liiska Xiddiga U Tartami Doona Laacibka Todobaadka Ee Champions League.

    Khamiis-Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis-Yurub


UEFA ayaa soo saartay Liiska xiddigaha u tartami doona xiddiga ugu fiican todobaadka 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League ee la ciyaaray.

Liiska ayay ku soo bexeen 4 xiddig oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kooxohoodana ku hogaamiyay guulo muhiim ah todobaadkii 2-aad ee tartanka champions League.

Liiska ayaa lagu dhex arkay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaas oo 2 gool ka dhaliyay kooxda Tottenham kulankii ka dhacay garoonka Wembley ee caasimada London.

Si la mid ah waxa liiska ku jira xiddiga kooxda Juventus Paulo Dybala kaas oo saddexley u dhaliyay kooxdiisa kulankii ay guusha ka heshay kooxda Young Boys.

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa sidoo kale ku jira liiska kadib markii uu 3 gool ka dhaliyay kooxda FK Crvena Zvezda kooxdiisana ka caawiyay in ay ku soo laabato wadada guulaha.

Ugu dambayn waxa ku soo baxay Liiska xiddiga kooxda Roma ee Edin Dzeko kaas oo saddexley ka dhaliyay kooxda Viktoria Plzen kulan ay Kooxdiisu ku badisay 5-0




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip