Everton oo ku raad joogta saxiixa Weraryahan Arsenal ka tagaya.

0
Thursday October 04, 2018 - 13:33:54 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Everton oo ku raad joogta saxiixa Weraryahan Arsenal ka tagaya.

    khamiis-Arsenal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

khamiis-Arsenal

Kooxda Everton ayaa dalab kaso gudbisay weeraryahanka kooxda Arsenal ee Danny Welbeck kaa oo aan ku faransaneyn Arsenal.

 

Welbeck ayaa afar sanno ku qaatay Gunners, iyadoo 31 gool laga dhaliyey 73 kulan oo u saftay.

 

27 jirkaan ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana la soo jeediyay in xiddiga heerka caalami ee dalka England uusan dooneynin inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

 

Sida laga soo xigtay The Mirror, Everton ayaa isha ku heysa xaaladda laacibkan, waxaana laga yaabaa inay lawareegto bisha janaayo marka uu furmo suuqa.

 

 

Weeraryahankan ayaa haatan ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan Arsenal xilli ciyaareedkan dhamaan tartamada oo dhan isagoo leh afar gool.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip