RASMI: UEFA oo soo saartay xiddigii ugu fiicnaa Todobaadka Labaad ee Champions League.

0
Saturday October 06, 2018 - 07:10:31 in Wararka by
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: UEFA oo soo saartay xiddigii ugu fiicnaa Todobaadka Labaad ee Champions League.

    Sabti-UEFA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabti-UEFA


Xiriirka kubada cagta yurub ee UFEA Ayaa shaaciyay xiddigii nasiibka u yeeshay kuna guulaystay xiddiga ugu fiicna todobaadkii 2-aad ee tartanka champions League ee la ciyaaray maalmihi salaasadii iyo Arbacadii la soo dhaafay.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa nasiib u yeeshay in uu ku guulaysto xiddiga ugu fiican todobaadkii 2-aad ee tartanka champions League wareega Group-yada.

Messi ayaa abaalmarintan ku kasabday qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay kulankii ay kooxdiisa Barcelona guusha ka gaadhay Tottenham kulankaas oo uu dhaliyay 2 gool oo ka mid ahaa 4-tii gool ee ay dhalisay kooxdiisa.



Xiddigan ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay todobaadkii 2-aad ee champions League kuwaas oo waliba min 3 gool dhaliyay.

Lionel Messi ayaa xiddigaha Dybala,Neyamr iyo Dzeko ku garaacay abaalmarinta xiddiga ugu fiicna todobaadka 2-aad ee tartanka champions League ee wareega Group-yada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip