PAULO DYBALA oo ugu dambeyn aqbalay inuu ku biro kooxdan?

0
Monday October 08, 2018 - 12:10:43 in Wararka by
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PAULO DYBALA oo ugu dambeyn aqbalay inuu ku biro kooxdan?

    Isniin-Juventus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-Juventus

Laacibka kooxda Juventus Paulo Dybala ayaa soo dhaweeyay ku biiristiisa kooxda ka dhisan caasimada dalka Spain ee Real Madrid.

 

Real Madrid iyo macalinkeeda cusub ee Julen Lopetegui ayaa xili ciyaareedkan dhibaato weyn dhexda kaga jira, gaar ahaan guuldaradii 1-0 ahayd ee kaga soo gaartay kooxda Deportivo Alaves horyaalka La Liga ee dalka Spain.

 

Hadaba wargeyska "Don Balón” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in laacibka reer Argantina ee Paulo Dybala uu si weyn u xiiseenayo ku biirista kooxda Real Madrid.

 

Wargeyska reer Spain ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray in kadib ku biirista Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus, ay ka dhigtay Paulo Dybala inuu raboodo in uu tijaabiyo loolan kale ee cusub, wuxuuna doonayaa inuu u dhaqaaqo horyaalka La Liga ee dalka Spain gaar ahaa kooxda Los Blancos.

 

Wargeyska "Don Balón” ayaa tilmaamay in Paulo Dybala uu xal u noqon karo Real Madrid dhibaatada ay ku soo jirtay xiliyadii lasoo dhaafay, kadib markii ay lasoo kulantay guuldarooyin iyo natiijo xumi xili ciyaareedkan 2018/2019.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip