Luke Shaw oo laga rebay xulka Englan kulanka ay la ciyaarayaan xulka Croatia, Sabab?

0
Monday October 08, 2018 - 13:55:48 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Luke Shaw oo laga rebay xulka Englan kulanka ay la ciyaarayaan xulka Croatia, Sabab?

    Isniin-Englan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-Englan

Kooxda Man United ayaa sheegtay in Shaw uu mudo garoomada ka maqnaanayo kadib dhawicii xidiga soo gaaray kulankii Newcastel.

 

Shaw oo dhamaystay 90-kii daqiiqo ee kulanka ayuu dhaawac jug ah ka soo gaadhay kulankii ay United soo laabashada cajiibka ah samaysay taas oo ku qasbi karta in laga saaro Liiska xiddigaha Enland.

 

Daafaca dhexe ayaa lagu samayn doonaa baadhitaan ka hor inta aan la qaadan go,aanka looga reebi doono xulka qaranka England iyo in uu sii joogi doono kulamada xulkiisa.

 

Xulka England ayaa kulmi doona maalinta bari ah iyada oo kulankooda ugu horeeya ciyaari doona jimcaha iyaga oo saaxibtinimo la ciyaari doona xulka Croatia ka hor inta ayna Isniinta dambe la ciyaarin xulka Spain kulanka ka tirsan UEFA National League.

 

Daafaca reer England ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo boos joogto ah ka helay kooxda Man United tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip