RASMI: France Football oo saartay Qeeybta 3aad ee Xiddigaha U Tartami Doona Ballon d'Or 2018.

0
Monday October 08, 2018 - 19:25:49 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: France Football oo saartay Qeeybta 3aad ee Xiddigaha U Tartami Doona Ballon d'Or 2018.

    Isniin-Ballon d'Or

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin-Ballon d'Or


Majalada France Footballl ayaa soo saartay Qaybtii 3-aad ee xiddigaha u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or oo ay horay u soo saartay 2 qaybood oo min shan xiddig ah.

Xiddigaha Aguero,Alisson,Bale,Cavani,Benzema,Firmino,Ronaldo,Courtois,Godin Iyo De Bruyne ayaa ka mid ahaa labadii qaybood ee la soo saaray una tartami doona abaalmarinta.

Majalada ayaa haatan soo saartay shanta xiddig ee ku biiri doona xiddigaha kor ku xusan una tartami doona abaalmarinta Ballon d’Or 2018.

Xiddigaha qaybta 3-aad ku jira ayuu ugu horeeyaa xiddigaha Antoine Griezmann kaas oo xulka qarankiisa france kula guulaystay koobkii adduunka Russia 2018 sidoo kale kooxdiis Atletico kula guulaystay Europe League.

Xiddiga Eden Hazard oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay koobkii adduunka ayaa sidoo kale ku soo baxay xiddigaha u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka.

Weeraryahanka Harry kane oo isagu ku guulaystay gool dhaliyihiin koobka adduunka ayaa sidoo kale ah xiddigaha ku soo baxay qaybta 3-aad ee xiddigaha u tartami doona abaalmarinta.

N’Golo Kante ayaa dhanka kale ku soo baxay Abaalmarinta kadib markii uu ka qayb ahaa xulkii France ee ku guulaystay koobka adduunka xiddiga kooxda Real Madrid ee Isco ayaa sidoo kale ku soo baxay qaybtan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip