Warbixin: 30-ka Xiddig ee U Tartamaya Abaalmarinta Ballon d'Or 2018, Kooxaha iyo Wadamada Ku Leh Xiddigaha Ugu Badan?

0
Tuesday October 09, 2018 - 09:58:26 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: 30-ka Xiddig ee U Tartamaya Abaalmarinta Ballon d'Or 2018, Kooxaha iyo Wadamada Ku Leh Xiddigaha Ugu Badan?

    Talaado-Ballon d'Or

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Ballon d'Or


Real Madrid ayaa xiddigaha ugu badan ku leh xiddigaha 30-ka ah ee loo doortay in ay u tartamaan abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or oo ay majalada France football si Rasmi ah u soo saartay shalay.

Gareth Bale, Karim Benzema, Thibaut Courtois, Isco Alarcon, Marcelo, Luka Modric, Sergio Ramos, & Raphael Varane ayaa u matalaya kooxda Real Madrid abaalmarinta.

Guushii ay ku guulaysteen tartanka champions league xilli ciyaareedkii 3-aad oo xiriir iyo xiddigo kale oo gaadhay finalkii koobka adduunka Russia 2018 ayaa ka caawiyay in ay Real xiddigo badan ku lahaato abaalmarinta.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa kaliya ku leh 3 xiddig kuwaas oo kala ah Lionel Messi, Luis Suarez & Ivan Rakitic inkasta oo ay laftoodu ku guulaysteen laba koob.

kooxaha Atletico Madrid ayaa dhankeeda ku leh 3 xiddig kuwaas oo kala Antoine Griezmann Diego Godin & Jan Oblak taas oo la macno ah in horyaalka La Liga guud ahaan ku leeyahay 14 xiddig oo ka mid ah kala badh xiddiga u tartami doona abaalmarinta.

Dhanka premier League kooxda Liverpool ayaa xiddigaha ugu badan ku leh abaalmarinta iyada oo ku leh 4 xiddig halka kooxaha Man United,Man city iyo chelsea ku leeyihiin min 2 xiddig.

 

Horyaalka premier League ayaa dhankiisa guud ahaan 10 xiddig ku leh xiddigaha 30-ka ah ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka.

Dhanka xulalka Waxa xiddigaha ugu badan ku leh xulka Qaranka France kaas oo ku leh xiddigaha Lloris, Varane, Benzema, Kanté, Pogba, Griezmann iyo Mbappé

Xulalka Belguim ayaa ku xiga oo ku leh 3 xiddig halka xulka Spain uu laftiisu ku leeyahay 3 xiddig si la mid ah xulka Croatia ayaa laftoodu 3 xiddig ku leh abaalmarinta.

Halkan Kaga Bogo Kooxaha xiddigaha Ugu Badan Ku Leh tartanka abaalmarinta:

Real Madrid: 8

Liverpool: 4

Barcelona: 3

Atletico Madrid: 3

Chelsea: 2

Man City: 2

Halkan Kaga Bogo Xulalka Xiddigaha Ugu Badan ku leh:

France: 7

Spain: 3

Belguim: 3

Croatia: 3




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip