Eden Hazard Oo Ka Hadaly Mustaqbalkiisa Kooxda Chelsea & Wararka La Xiriirinaya Real Madrid!

0
Tuesday October 09, 2018 - 10:04:29 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eden Hazard Oo Ka Hadaly Mustaqbalkiisa Kooxda Chelsea & Wararka La Xiriirinaya Real Madrid!

    Talaado-Chelsea

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Chelsea


Laacibka kooxda Chelsea Eden Hazard ayaan qarin jaceylka uu u qabo ku biiritaanka kooxda reer Spain ee Real Madrid wallow usan meesha ka saarin in kooxda hada uu u ciyaaro ay go'aanka leedahay.

Xiddiga reer Belguim ayaa haatan ah hogaamiyaha gool dhalinta premier League isaga oo dhaliyay 7 gool 8-da kulan ee uu ciyaaray premier league.

"Real Madrid waa kooxda ugu fiican adduunka, ma doonayo in aan been sheego waa Riyadada in aan ku biiro tan ilaa markii aan da,yarka ahaa”ayuu ku sheegay waraysi kulankii Axada kadib ah.

"Waan ku riyooday kooxdaas. waan eegi doonaa waxa dhaca, ma doonayo in aan arintaas mar walba ka hadlo”.

"Wakhti uma hayo laakiin waxa aan ka hadli doonaa mustaqbalkayga dhawaan sida aan rumaysanahay”.

"Waxa aan naftayda la doonayaa waxa ugu fiican sidoo kale kooxda chelsea maadama ay i siiyeen wax walba”.

 

"Ma Doonayo in aan yidhaahdo heshiis cusub ayaan saxiixayaa kadib aan saxiixi waayo”.

"Mararka qaar waxa aan soo kacaa waxanan ka fikiraa in aan tago, mararka qaarna in aan joogo”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip