Tababaraha Arsenal Oo Cabiray Fursada Kooxdisa U Haysato Hanashada Horyalka Premier League

0
Tuesday October 09, 2018 - 10:11:47 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababaraha Arsenal Oo Cabiray Fursada Kooxdisa U Haysato Hanashada Horyalka Premier League

    Talaado-Arsenal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado-Arsenal


Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka hadlay fursadaha kooxdiisa ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii uu guul ka gaaray todobaadkan kooxda fulham.

Unai Emery ayaa hoos u dhigay fursadaha kooxdiisa ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan inkasta oo ay kooxda Arsenal 6 kulan oo isku xigta guul ay gaartay horyaalka premier League.

Gunners ayaa 5-1 ku xasuuqday kooxda Fulhma iyaga oo kaalinta 4-aad ka gashay horyaalka 2 dhibcood oo kaliyana ka dambaysa kooxda kaalinta 1-aad kaga jirta horyaalka ee Man city.

Tababarihii hore ee kooxda PSG ayaa sheegay in ay kooxdiisu wali tahay in ay horumar samayso inkasta oo ay guulo xiriir ah gaadhay kadib markii ay laba guuldaro ku bilaabatay horyaalka premier League.

"Waxa aan guuldaro la kulanay labadii kulan ee ugu horeeyay horyaalka premier League sidaas darteed waa in aan ahaano qaar dagan oo hourmar sameeya, ayuu yiri Emery”.

"Haatan waanu badinaa laakiin waa in aan sii wadon qaab ciyaareedka fiican, caqligeenu ahaado mid dagan oo aan ka fikirin wax aan kulanka xiga ahayn”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip