Wayne oo ka hadlay xaalada adag ee Man United , cida Leh eeda iyo xalka musatqbalka ee kooxda

0
Tuesday October 09, 2018 - 11:20:10 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wayne oo ka hadlay xaalada adag ee Man United , cida Leh eeda iyo xalka musatqbalka ee kooxda

    Talaado- USA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado- USA


Kabtankii hore ee Manchester United Wayne ayaa tilmaamay in tababare Jose Mourinho dusha laga saaray eeda bandhiggaheerkiisu liita ee kooxda ka samayneyho xilli ciyaareedkan.


United ayaa guuldraysay 3 kamdi ah 8-da kulan ee ugu horraysa horyaalka ingiriiska, waxayna 7 dhibcood ka hooseysaa hogaamiyaaasha horyaalka oo ka kooban, Manchester City, Cheslea iyo Liverpool.

Image result for man United team with Jose Mourinho


Natiijada liitada ayaa sababtay in musatqbalka macallin Mourinho uu shaki galo, basle Rooney ayaa qaba aragtida in ciyaartoyda qudhooda ay eeda wax ku yeeshaan.


" Macallinka wax badan ayuu samayn karaa,sidaa oo ay tahay shaqada waxay u taalaa ciyaartoyda marka garoonka gudahiisa la joogo, waxaana laga doonayaa in ay isku xernaan muujiyaan, laakiin Jose si fudud ayaa loo bartil-maameedsaday, " ayuu yiri Rooney oo la hadlay jariiradda The Mirror.


" Waan ogahay in Jose xalka ugu wayn laga doonayo, laakiin ciyaartoyda waa in ay u istaagaan sidii loo heli lahaa natiijo wacan. Waan in lagu xisaabtamaa, waana in ay ciyaar wanaag lasoo baxaan.


Makii uu Van Gaal joogay xaaladan oo kale ayuu la kulmay , basle waxaan ciyaartoyda ku iri, waa inaynu samaynaa wax lagu qanci karo.


" Shaqsiyan waxaan aaminsahaya in uu si wanaagsan inoo jiheeyay, basle gudaha garoonka kama aynaan fulin.


Caaadisku kii hore waa ka duwan yahay, waa koox da’yar u badan, waxaa muuqata in badan oo ciyaartoyda ka mid ah in aysan wajahin xaaladan oo kale, mana haystaan ciyaartoy waayo arag ah, sida markii aan yaraa ee United joogay aan u haystay halyeeyo waayo arag ah oo garoonka nagula jiray.


Rooney oo isaga tagay United isagoo ah laacibki goolasha u badan u dhaliyay taariikhda ayaa hadda ka tirsan kooxda DC United ee dalka Maraykanka.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip