
Barcelona oo war kaso saartay dhaawicii dhawaan soo gaaray Luis Suarez, Imisa ayuu garoomada ka maqnaanayaa?
Kooxda Barcelona ayaa war kasoo saartay dhaawaca soo gaaray weerar yahankeeda reer Uruguay ee Luis Suarez.
Xiddigaan ayaa dhaawac ka qaba jilibka lugta midig sida ay xaqiijisay kooxdiisa Barcelona oo warbixin ka soo saartay xaaladiisa.
Kooxda ayaa ka faa’idaysanaysa maalmaha lagu maqnaanayo kulamada xulalka, markaas oo si gaar ah loogu dadaali doono sidii uu uga soo kaban lahaa dhaawaca dhanka jilibka ka soo gaaray.
Qorshaha Barcelona ay u dajisay ayaa ah inuu qaato tababar gooni ah mudada lagu maqan yahay kulamada xulalka si uu taam ugu noqdo kulamada adag ee kooxdu ay ciyaarayso marka la soo laabto.
Barcelona 3-kulan oo adag ayaa isugu xiga marka laga soo laabto, waxay soo dhawaynaysaa kooxaha kala ah Sevilla, Inter Milan iyo Real Madrid.
Barcelona oo war kaso saartay dhaawicii dhawaan soo gaaray Luis Suarez, Imisa ayuu garoomada ka maqnaanayaa?
Talaado-Barcelona