Pogba oo shaaciyay xiddigaha isaga ka mudan in ay ku guulaystaan abaalmarinta Ballon D'ore

0
Wednesday October 10, 2018 - 11:55:45 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pogba oo shaaciyay xiddigaha isaga ka mudan in ay ku guulaystaan abaalmarinta Ballon D'ore

    Arbaco- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco- Manchester

 



Lix kamdi ah kooxdii ku guulaysatay koobka adduunka ayaa lagu soo daray 30-ka laacib ee u tartami doonaa abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan dunida oo ay bixiso majaladda France football ee Ballon d’Or, Waxaa shaki ka muujiyay Pogba inuu ku guulaysan karo.


 

Xiddiga Manchester United Paul Pogba ayaa qirtay inuusan u qalmin inuu ku guulaysto Ballon d'Or,isagoo xusay in afar laacib oo xulka France kula jiray ay ka mudan yihiin hanashada.

 

Pogba ayaa door muhiim ah ka ciyaaray guushii xulkiisa France ku hanteen koobka adduunka markoodi labad taariikha kadib markii ay fiinaalaha kaga guulaysteen xulka Croatia.



Hase yeeshee bandhigiisa United, ayaa ahaa mid aan sidaas u waynayn iyado ay usii dheerayd xur kala dhaxaysay Macallinkiisa Jose Mourinho.


Sikasta oo ay tahayboosdhexaadkan waxuu ka mid noqday 30 laacib ee ee loosoo xushay Ballon d'Or, laakiin waxuu aamisan yahay in saaxibadiisa xulka France ay ka mudan yihiin.


"Waxaa hana kara Grizou (Griezmann), Kylian (Mbappe) ama Raph' (Varane), maxaa yeelay aad ayay iiga mudan yihiin wayna u qalmaan in ay hantaan ayuuyiri Pogba, maruu la hadlayay wakaalada wararka AFP .


"Mid uma xulan karo. Laakiin waxaan si niyadu kujirto rajaynayaa in 3-da midkoo uu ku guulaysan doono.


" Aan iraahdo mid kamid ah afarta, maxaa yeelay waxaa liiskan kujira Kante


Xulka France ayaa lix laacib ku yeeshay liiskan ,waxaana ku jira goolhayahah Tottenham Hugo Lloris.


 

Sidoo kale waxaakasoo muuqday weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema inkasta uusan kamid ahayn laacibiinta France u matalay koobka adduunka ee dalka Russia lagu qabtay 2018.


 

Pogba, ayaa dhanka kale, ah laacibka kaliya ee liiskan u maalaya kooxda Manchester United


Abaalmarinta waxaa 10 sano ee lasoo dhaaafay ku guulaysanayayMessi iyo Ronaldo oo qaybsaday.


 

Luka Modric, ayaase u muuqda mid ku guulaysan kara abaalmarinta kadib markii uu Ronaldo ku garaacay abaalmarinta FIFA ee xiddiga ugu wanaagsan dunida oo bishii September la qabtay.


Guulasytaha waxaa lagu dhawaaqi doona 3-da December 2018

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip