Jose Mourinho oo xal ka raadinaya laacibka da'diisa 30 sano ka wayn tahay heerka labaadna ka ciyaara

0
Wednesday October 10, 2018 - 12:46:14 in Wararka by Hussein Hadafow
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho oo xal ka raadinaya laacibka da'diisa 30 sano ka wayn tahay heerka labaadna ka ciyaara

    Arbaco- Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco- Manchester



Jose Mourinho oo horay ugu guulaystay inuu heshiis lasoo saxiixd Zlatan IBrahimvic oo da’diisu 35 ahayd inuu Man United weerarka caawiyo taasoo miro dhal u noqotay kadib markii uu kooxda hogaamiyay hanashda 3 koob oo muhiim ahaa, waxuuna markale oo xal ka raadinayaa laacib isla dalka Sweden u dhashay. Marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga bisha Januay 2019.


" Cidna kama xerayo albaabadayda, waxaana isoo jiitay in layla xiriiriyo koox wayn,” ayuu 33 jirkan daafaca ka ciyaara , Granqvist u sheegay jariiradda Expressen ee kasoo baxda magaalada Helsingborg oo ah halka uu ka ciyaaro.



Isgaoo bandhig wanaagsan ka sameeyay koobka adduunka ayuu go’aansaday inuu ksoo laabto kooxda Helsingborg oo heerka labaad ka ciyaarta waxuuna xusay  inuu ku qanacsan yahay kusoo laabsahda magaaladan.


Andreas Granqvist, waxaa go’aankan ku riixaya Henrik Larsson oo ah laacib uu aad u jelcaa kaasoo horay ugu soo ciyaaaray Manchesterisagoo amah ah ugu soo biiray 2007-di.


 Granqvist ayaa horay uga ciyaaray horyaalka Ingiriiska isagoo ka tirsanaa kooxda Wigan xilli ciyaareedki 2017-08,  waxuu hadda ka tirsan yahay kooxda   Helsingborg oo ah kooxda uu ciyaarahiisa kasoo bilaabay 2004-ti.


Jose Mourinho ayaa xal u arka in Andreas Granqvist oo 33 jir ah uu wax ka badali karodhibaatada xagga daafaca ka haysata kooxda United isla markaana uu waayo-aragnimadisia kusoo biirin karo xidigaha da’yarta ku badan ee kooxda u ciyaara.


 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip