La Ogaaday: Zinedine Zidane Kooxda uu Doonayo inuu Tababare u Noqdo oo La Ogaaday, Waa Tuma?

0
Wednesday October 10, 2018 - 12:56:32 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    La Ogaaday: Zinedine Zidane Kooxda uu Doonayo inuu Tababare u Noqdo oo La Ogaaday, Waa Tuma?

    Arbaco-France

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-France


Wakiilka tababaraha reer France ee Zinedine Zidane ayaa shaaca ka qaaday kooxda uu doonayo in uu tababaruhu maamulo marka uu ku soo laabto shaqada tababaranimo oo uu haatan fasax kaga jiro kadib markii uu bilowgii xagaagan ka tagay kooxda Real Madrid.

Zinedine Zidane ayaa doonaya in uu ku laabto kooxda Juventus tababare-na u noqdo halkii uu jose Mourinho ka badali lahaa kooxda Man United sida uu shaaca ka qaaday wakiilka tababarahu.

Tababaraha 3-da jeer ee xidhiidhka ah ku guulaystay champions League ayaa ka tagay Real Madrid xagaagii waxana la aaminsan yahay in uu sanad kadib ku soo laaban doono shaqada tababaranimo.

Wararka ayaa si weyn ula xiriirinayaa tababaraha kooxda Man United oo uu cadaadis weyn saaran yahay Tababare Jose Mourinho kadib sidii xumayd ee ay kooxdiisu ku bilaabatay.

Si kasta ha ahaatee wakiilka tababaraha ayaa meesha ka saaray in uu ku biiri doono Man United isaga oo sheegay in uu labada ku biiri doono kooxdiisii hore ee Juventus.

"Waa Suurtagal sababta oo ah waxa ka dambaysa taariikh arintaas”ayuu wakiilkiisu u sheegay Journal Du Dimanche.

"Waa kooxda qablbigiisa ku jirta haatan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip