WARBIXIN: Waa Kuwee 10-ka Saxiix ee Kooxahooda Qaaliga Ugu Fadhiya Hadana aan Wax Saameyn ah Yeelan Sanadkan 2018?

0
Wednesday October 10, 2018 - 13:02:20 in Wararka by
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Waa Kuwee 10-ka Saxiix ee Kooxahooda Qaaliga Ugu Fadhiya Hadana aan Wax Saameyn ah Yeelan Sanadkan 2018?

    Arbaco-Suuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Suuqa




Waxaa jira laacibiin kooxahooda ay kasoo bixiyeen lacago aad u fara badan suuqii xagaaga lakiin aan wax saameyn muuqata ah sameeyn ilaa iyo hada iska daa in ay gudaan lacagahii laga soo bixiyee.


Xiddigaha qaar ayaanba weli u safan kooxaha ay kusoo biireen, halka kuwa kale ay kulamo kookooban ciyaareen iyagoo an wax muuqda sameeyn.


Hoos Ka aqriso magacyada 10-ka saxii ee qaaliga ku fadhiya hadana aan wax saameyn ah yeelin sanadkaan.



1.Vinicius Junior:Waxa ay Real Madrid ka soo bixisay lacag dhan 45 milyan oo euro laakiin waxa uu u ciyaaray Real Madrid kaliya 12 daqiiqo.


2.Malcom:Barcelona ayaa ka soo bixisay lacag dhan 41 milyan oo euro waxana uu kaliya ciyaaray 25 daqiiqo ilaa haatan xilli ciyaareedkan.


3.Fabinho:Liverpool ayaa monaco miiska u saartay lacag dhan 45 milyan oo euro xiddiga reer Brazil laakiin xiddiga ayaa ciyaaray 2 kulan.


4.Mattia Caldara:Ac Milan ayaa da,yarkan ka soo bixisay lacag dhan 35 milyan oo euro laakiin xiddiga ayaan wali wax kulan ah u safan horyaalka Serie A-da.


5.Fabián Ruiz:Napoli ayaa 30 milyan ka soo bixisay xiddiga khadka dhexe laakiin kaliya waxa uu ciyaaray 110 daqiiqo oo u dhiganta 2 kulan oo Serie A-da ah.


6.Bernd Leno:Goolhayaha reer Germany ayaa Arsenal ugu soo biiray lacag dhan 25 milyan oo euro laakiin waxa uu badal u yahay ama kaydka u fadhiyaa goolhaye Petr Cech.


7.Samu Castillejo:Milan ayaa 25 Milyan ka soo bixisay xiddiga waxana uu kaliya ciyaaray 120 daqiiqo oo uu kulan walba qayb ka ciyaaray.


8.Mariano:Real Madrid ayaa ka soo bixisay xiddiga reer Spain 21 milyan oo euro laakiin waxa uu 105 daqiiqo u ciyaaray La Liga iyo 45 daqiiqo oo Champions league ah.


9.Caglar Soyuncu: Daafaca Dhexe ayaa Leicester city ugu soo biiray 21 milyan oo euro laakiin wali kulamo umuu ciyaarin kooxdiisa


10.Promes:Sevilla ayaa 20 milyan ka soo bixisay xiddiga reer Holland laakiin waxa uu kaliya 90 daqiiqo u ciyaaray kooxdiisa horyaalka La Liga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip