XOG: Waqtiga Rasmiga ah ee Garoomada uu Kusoo Laabanayo Kevin De Bruyne oo La Ogaaday..

0
Wednesday October 10, 2018 - 13:16:28 in Wararka by Abdullahi Hussein
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG: Waqtiga Rasmiga ah ee Garoomada uu Kusoo Laabanayo Kevin De Bruyne oo La Ogaaday..

    Arbaco-Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arbaco-Manchester

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Manchester City Kevin De Bruyne ayaa lagu soo waramayaa inuu ka soo kabsan doono dhaawac jilibka ah kulanka ugu soo horeeyo ee Premier League ee ay la leeyihiin Burnley.

De Bruyne ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore ka dib markii uu soo gaaray dhaawac halis ah kaas oo markii hore la filayay inuu maqnaado ilaa seddex bilood.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium ayaa si dhaqso ah dib u soo kabsaday, waxaana uu ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda Isniinta, isagoo dib ugu soo laabtay axadii kulankii ay Liverpool Anfield kula ciyaareen wallow usan ciyaarin.


De Bruyne ayaan lagu soo darin xulka Belgium ee la ciyaari doono Switzerland iyo Holland, xiddiga ayaana qaadanaya tabar gooni ah si uu dib ugu soo kabsado taam ahaansho buuxda.

ESPN FC ayaa soo warisay in 27 jirkaan uu haatan diyaar u yahay inuu dib u soo kabsado marka ay kooxda heysata horyaalka Burnley kula soo ciyaari doonto Etihad Stadium 20ka bisha October.

De Bruyne ayaa dhaliyay 12 gool 21 kalane caawiye ka ahaa City tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, isagoo kooxda ka caawiyay horyaalka Premier League iyo EFL Cup.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip