Zlatan Ibrahimović Oo Ka Hadlay Xaalada Murugsan ee Kooxda Man United & Tababare Jose Mourinho?

0
Thursday October 11, 2018 - 11:43:54 in Wararka by
  • Visits: 728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Zlatan Ibrahimović Oo Ka Hadlay Xaalada Murugsan ee Kooxda Man United & Tababare Jose Mourinho?

    Khamiis-Manchester

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis-Manchester


Zlatan Ibarahimovic weeraryahankii hore ee kooxda Man United ayaa ka hadlay dhibaatada haysata kooxdiisi hore xaalada uu ku jiro tababare Jose Mourinho.

Mourinho ayuu saaran yahay cadaadis ba,an xilli ay kooxdiisu ku jirto kaalinta 8-aad ee kala saraynta horyaalka premier League 7 dhibcoodna ka dambeeya kooxda Man city ee hogaanka u haysa horyaalka.

Ibrahimovic oo 28 gool u dhaliyay kooxda Jose Mourinho xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay kooxdana kula guulaystay Europa League iyo League cup-ka ayaa dareensan in shaqo caydhinta Mourinho ay tahay doqonimo.

Isaga oo waliba xiddigaha Man United u sheegay in ay muujiyaan wax badan maadama uuna Mourinho mucjiso samayn karin hadii ayna xiddigihiisu qaab fiican soo bandhigayn.

"Waxa aan aaminsanahay in uu leeyahay awooda uu United ugu hogaamin karo premier League”ayuu U sheegay BetHazar. "Waxa aan aaminsanahay in uu yahay tababaraha saxda ah ee Man United”.

"Laakiin tababaruhu waxa uu fiican yahay marka ay kooxdiisu fiicantahay, sidaas darteed mucjsio ma samayn karo hadii ayna kooxdiisu ahayn qaar fiican”.

"Waxana aan dareensanahay in ay kooxdu fiicantahay, waxa ay u horumarayaan in ay sii fiicnaadaan, sanadkan waa midkiisii 3-aad xiddiguhu waxa ay mar-marba marka ka dambaysa sii baranayaan qaabka uu u ciyaaro sidaas darteed waan rumaysanahay, haa”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip